Toogasho iyo Qarax Dhimasho Leh oo Ka Dhacay Muqdisho

0
1101

Khasaare nafeed sababay ka dhacay deegaan u dhexeeya degmada Kaxda iyo Ceelasha Biyaha ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday.

Labadan qof ayaa la sheegay inay olole tallaal ka wadeen deegaanka markii la toogtay.

Dilkaasi kadib ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay qarax baabuur kaasi oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ka dhashay baabuur la sheegay inay meesha uga tageen dablaydii dilka gaysatay oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya dhimashada dhowr qof kadib qaraxa dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here