Akhriso: Kala Fogaanshaha Mudada Uu Xilka Hayay Madaxweyne Biixi iyo Tirada Agaasimeyaasha Guud Ee Uu Bedelay

0
2733

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Toddobaadkan xil ka qaadis iyo isku beddel kooban ku sameeyay qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Dawladda, taasi oo bannaanka u soo saartay kala fogaanshaha muddada uu Madaxweyne Biixi xilka hayey iyo tirada Agaasimayaasha ee uu Wasaaradaha qaar u Magacaabay.

Tusaale ahaan, Saddexd sanadood oo uu Madaxweyne Biixi xilka hayey Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Biyaha wuxuu u Magacaabay Min Afar Agaasime guud, taasi oo dad badan wax iska waydiiyeen sababaha keenay.

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka waxa uu Madaxweynuhu muddada uu xilka hayey u Magacaabay Afar Agaasime guud oo kala ah Prof. Cabdi Cali Jaamac, Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan,  Mubaarik Cabdillaahi Ibraahim iyo Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli oo Madaxweynuhu uu Toddobaadkan u Magacaabay inuu ahaado Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, halka Wasaaradda horumarinta Biyahana ay soo mareen Jamaal Cabdi Muuse, Maxamed Yuusuf, Axmed Cabdi Ismaaciil iyo

Maxamed Xasan Dirir Maxamuud oo ah Agaasimihii guud ee uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay ee ugu dambeeyay.

Dadka aqoonta u leh Nidaamka Maamulka ayaa isbedelka badan ee Agaasimeyaasha guud u arka Nidaam Maamul oo aan wanaagsanayn, kaas oo dhaawac ku ah Nidaamka dawladnimo ee Wanaagsan, maaddaama oo ay Agaasimeyaasha guud yihiin Mishiinka dhaqaajiya Maamulka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan, waxayna khuburrada Maamulka Aqoonta u lihi tallaabadan ku tilmaamayaan mid muujinaysa in aanay Madaxweyne Biixi weli gacanta u fadhiisin.

Khubaradani waxay aaminsanyihiin in isbedelka badan ee agaasimayaasha guud uu khalkhal ku keeni karo nidaamka maamul ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Ka sokow wasaaradahan qorshaynta iyo biyaha ee maraya afarta agaasime guud, waxa iyaguna jira wasaarado kale oo qaarkood saddexdaas sannadood marayaan min saddex agaasime.

LEAVE A REPLY