Toddoba Qof oo Lagu Dilay Bariga Dalka Itoobiya

0
577

Addis Ababa (Hargeisapress)- Magaalada Bardoode oo ku taalla bariga Itoobiya ayaa la sheegay in lagu dilay 7 qof qaar kalena lagu dhaawacay.

Magaalada Bardoode oo ka tirsan Deegaanka Oromada gaar ahaan gobolka galbeedka Hararge waxaa weerarkaasi ka geytay dableey hubeysan.

Xafiiska isgaadhsiinta deegaanka Oromada oo xaqiijiyey inuu weerarkaasi dhacay waxaa ku dhintay 7 qof 3 oo kalena waa ay dhaawacmeen.

Degaanka ay dhibatadu ka dhacday waxaa laga howlgeliyey Ciidamada qalabka sida iyo Booliska Federaalka Itoobiya si ay xaaladda u dajiyaan.

Deegaanka Oromadana wuxuu sheegay cid kasta oo ka dambeysay falkaasi lagula kacay dadka rayadka ah in tallaabbada sharciga ee ku habboon laga qaadayo.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here