“Reer Awdal Xaq Bay U Lee Yihiin Inay Somaliland Ka Helaan Waxa Uga Maqan” Siyaasi Mustafe Shiine

0
820

Hargeisa (Hargiesapress)- Guddoomiyihii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi Jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa waxa uu ka hadley tabashada Shacabka reer Awdal ay ka qabaan saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Somaliland.

Siyaasi Mustafe Shiine ayaa soo jeediyay in meel laysla dhigo oo reer Awdal laga qanciyo waxaa laga yeelayo arinta saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka hadii lala garaabaayo iyo hadii lala dacwiyayaba.

Dhinaca Kale, Mustafe Shiine ayaa sheegay in reer Awdal xaq u leeyihiin inay Somaliland ka helaan waxaa ka maqan, Isagoona nasiib daro ku tilmaamay in reer Awdal iyagoo hore uga cabanayay xilalka ay qaranka ka hayaan in haddana digreetootinkii uu Madaxweynuhu qalinkiisa ku soo saaraayay in ay ku waayaan xilal dhexe iyo Saraakiil Ciidan.

Mustafe Shiine ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Hargeisa Press waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Inkastoo aan aaminsanahay in kordhinta Xubnaha Koomiishanka Doorashooyinka ay ka faa’iidayaan beelaha ka maqan sida reer Sool iyo Saylac ama beesha Gabooye, haddana waxaan qabaa in meel laysla dhigo oo reer Awdal laga qanciyo waxa laga yeelaayo saamiqaybsiga kuraasida, haddii lala garabaayo iyo haddii lala dacwiyaayaba.

Reer Awdal xaq bey u lee yihiin inay ka helaan Somaliland waxa ka maqan, waxana nasiibdaro ah in iyagoo hore uga cabanaayay xilalka ay qaranka ka hayaan in haddana digreetootinkii uu madaxweynuhu qalinkiisa ku soo saaraayay in ay ku waayaan xilal dhexe iyo saraakiil ciidan intaba.

Somaliland waxay ku cimri dheeraysan kartaa in madax laysku salaaxo oo hadba cida xilka haysaa ay noqoto waalid hadba Ilmihii duda ay soo sabaalaysaa, maaha in inta kursiga la fadhiyo ama la taageersan yahay mid fadhiya xiniinyo buurbuuran lays tawiyo, taa waxa inooga filan halka keligii taliyayaal badani ku danbeeyeen, iyaga iyo qoysaskoodii iyo taageerayaashoodiiba.

‘Rag waxaan ku maamuli aqaan amase ku maamuusi mase inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahay” inkastooba ay iyadu is cunayso haddana hadaynu dadkii aynu dalka wada lahayn cirka u eegno halkay ku danbeyn ALLAA og.”

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here