Siyaasi Caan Ah oo Lagu Dilay Baydhabo

0
610

Baydhabo (Hargeisapress)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in koox hubeysan ku dileen dulleedka magaalada Baydhabo dad uu ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade iyo Siyaasi siweyn looga garanayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in koox hubeysan rasaas u fureen saddex ruux oo uu ka mid ahaa ganacsadaha, lamana oga ilaa iyo hadda sababta dilka dadkan ka dabeysay.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa deegaannadaa siweyn looga hadal hayay muran la xidhiidhay dhul ku yaalla duleedka Magaalada Baydhabo.

Cali Aadan Marguus ayaa ka mid ahaa Ganacsatadda Beeraleyda ah ee Baydhabo, waxaana uu sidoo kale hore uu soo noqday Siyaasi siweyn looga garanayay deegaannada Koonfur Galbeed iyo waxaana uu sidoo kale ahaa Aqoonyahan Soomaaliyeed.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here