Tartanka La Farax Walaalkaa ee Baabuurta oo Ka Furmay Hargeysa + SAWIRRO

0
3670

HARGEISA— Tartanka La Farax Walaalkaa ee Baabuurta yar yar ayaa maanta ka furmay Magaalada Hargeysa.

Tartankan Baabuurta oo noociisu ku cusub yahay Somaliland ayaa si weyn looga dareemaya Magaalada,Tartanka Baabuurta ayaa waxa ku tartami doona dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay Caasimada Hargeysa.

Furitaankii Tartanka waxa tartamay Afar xafadood oo kala ah sidan Shacabka, Biibsiga,Goljano,Xera awr halkaas Waxaa Ku soo baxay oo Badiyey Xafada Biibsiga oo uu ka Socday Mr jibriil, Kaalinta Labaad waxa galay Cabdi Xaliib oo ka Socday Goljano

Koobkan waxa qabtay Kooxda la Farax Walaalkaa oo uu Horkacayay Gudoomiye Mawliid Ceero,Waxaa Naga Xasuusin ah in Tartankan Todobaad kasta la Ciyaari doono Maalinta Salaasada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO 

LEAVE A REPLY