Somaliland Oo Xidhay Xuduudaha iyo Marrinadda Dalka Laga Soo Gallo

0
1106

Hargaysa (HP): Guddiga heer qaran ee ka hor taga xanuunka Corona Virus ee Somaliland ayaa maanta soo saaray awaamiir cusub oo lagaga gaashaamanayo in xanuunkaasi ku soo fido Somaliland.

 

Go’aamadda ay soo saareen guddigaasi waxaa ka mida dhamaanba xuduudaha iyo marrinada laga soo gallo dalka, sida garoomadda diyaaradaha, dekadaha, iyo xuduudaha dalalka jaarka la ah Somaliland.

 

Guddiga ka hor taga Corona Virus ee Somaliland waxay sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland ee  magaaladda Hargaysa.

 

Waxaana go’aamadda ay soo saareen warbaahinta u akhriyay wasiirka wasaaradda caafimaadka  Somaliland ahna guddoomiyaha guddigaasi.

 

Halkan Ka Daawo Go’aamadda Ay Guddigu Soo Saareen:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY