Tartanka Kooxaha Heerka 1aad iyo 2aad Ee Sool oo La Soo Gabagabeeyay

0
396

Laascaanood (Haergeisa Press)- Duqa degmadda Laascaanood oo ay weheliyaan agaasimaha Guud ee wasaaradda Ciyaaraha Somaliland iyo guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ayaa soo gabagabeeyay tartamadda Horyaaladda Heerka 1aad iyo 2aad ee gobolka Sool.

Maayarka Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, oo xidhitaankii tartan ciyaareedkaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyey Kooxaha ku guulaystay tartanka horyaaladda gobolka Soo loo muddo ka socday garroonka Kubbada cagta ee Cabdi Bille Cabdi.

Xidhitaankii tartankaasi ayaa kooxihii ku guulaystay waxaa la gudoonsiiyay abaal marino kala duwan oo loogu tallo galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here