Taliyaha Ciidanka Booliska oo Soo Faqay Taariikhda Madow Ee Guddoomiyaha Waddani

0
1110

Hargeysa (Hargeisa Press) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa waxaa uu soo faqay taariikhda madow ee Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo maanta shir jaa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale soo bandhigay falal uu xilliyo hore ku kacay Guddoomiye Xirsi xilligii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo.

Waxaa uu Taliyahu taxay waxyaabo uu sheegay in guddoomiye Xirsi sameeeyay xilliyo hore, isagoona ku eedeeyay in uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee gabadh Maxkamad soo taaga, islamarkaana ahaa ninkii iska casilay Komishanka doorashooyinka si Doorashooyinkii wakhtigaasi u fashilmaan.

Taliye Dabagale, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye Xirsi uu wakhtigii xukuumadii Siilaanyo uu koox hubaysan samaystay islamarkaana uu qoorta ka jaray baabuur badan, si uu rabshado dagaal uga abuuro Somaliland.

“Xirsi wuxuu ahaa ninkii Komishanka iska casilay si Doorashooyinkii wakhtigaasi u fashilmaan, Xirsi wuxuu ninkii baabuurta qoorta Jaray, Xirsi wuxuu ahaa ninkii gabadh xidha ee Maxkamad soo taaga, Xirsi waa Ninkii lahaa sanka ayaa caano laga keenaya.” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here