“Talo Ku Socota Madaxwayne Silaanyo”Wasiirkii Hore Ee Kalluumaysiga Maxamed Yaasiin Xasan

0
810

HARGEISA, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee wasaarada kalluumaysiga iyo badda Somaliland Maxamed Yaasiin Xasan,ayaa qoraal dheer oo uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay  Face-buuga madaxweyne Siilaanyo u soo diray talo iyo toosin iyo timaan,waxaanu  eedo kullul u soo jeeday labada kornay ee Hoggaanka u haya Xisbiga KULMIYE.

 

Haddaba Qoraalka Maxamed Yaasin Xasan ayaa u dhignaa sidan:-

 

MADAXWAYNE, Nin baa laga hayaa Xigmad ahayd

” MARKAAN TAAGTA HAYAY TALO MAHAYN, MARKAAN TALADA HAYAYNA TAAG MA HAYN.”

MADAXWAYNE, Anigu Wasiirkaagii baan ahaa, waxa aad igu soo xulatay Aqoon iyo Waayo arag nimo. Abaal kaana waan kuu hayaa.

 

MADAXWAYNE, Aragtida Siyaasadda iyo Mustaqbalka Somaliland waynu ku kala aragti duwanaanay, waana aynu ku kala tagnay lakiin Dalkaa inaga dhexeeya, sidaa darteed Xaq baan u leeyahay in aan taladayda hawada kuu soo mariyo bal in Alle kugu anfaco.

 

MADAXWAYNE, Xaq baad ugu leedahay Shacabkaagu in uu ku Adeeco, waa se marka aad noqoto Madaxwayne Caadil ah, oo Dadka u dhex ah.

 

Xabaal baa MADAXWAYNE Ina sugaysee, aan mid Runta ka sheego, waxa aad noqotay Nin aad uga fog Cadaalada iyo Maamul wanaaga.Shantii Sanadood ee Shacabku ku doortay, waad ka meeraysatay in aad Dorashadii qabato.

 

Waxa aad kordhisatay Laba (2) Sanadood oo boob ah.

 

Waxa aad 2012, qabatay Dorashadii Golaha Degaanka, waxa ay ahayd tii ugu Dhimashada, Dhiiga, Dhaawaca, Boobka iyo Wax isdabamarinta badnayd ee Taariikhda ka dhacda Somaliland.

Tana waan baqayaa, in aynu meel xun gaadhno, Ilaahay baan se Badbaado waydiistay.

 

MADAXWAYNE, Maanta Shacabkeenu waa ka dheregsan yahay in aad Nin wayn tahay, Talo iyo Tamar badanina ku hadhin.Waxana laga dheregsan yahay in Giraantii aad Dalka u haysay lagu la qabsaday, haba ugu horeeyaan Xubnaha faro ku tiriska ah ee Guriga kugu la nooli.

 

MADAXWAYNE, waxa iyana soo biiray oo aad Xisbigii Kulmiye Gacanta u gelisay, Koox Askar ah oo iyagu Gacmaha Dhiig ku leh.Waxa ay qabaan dhiig Sokeeye iyo mid Shisheeye,waa Niman Madaxwayne kasta oo Somaliland soo maray Caqabad ku noqday, adiguna isku daroo.

 

Marka Runta la sheego waxa ay rideen Abdirahman Ahmed Ali, waxa ay ka horyimaadeen Cigal iyo Riyaale.

Adigana MADAXWAYNE, waa tii aynu u taagnayn. Mohamed Kahin, Muse kaa raacay, taasi waxa ay ina tustay ujeedadu in ay Xigto ka qoto dheertahay.

 

Kooxdan Askarta ahi, marba Warqad bay Ciyaaraan, 1991 Ilaa 1997, Waxa ay ciyaareen Warqadii Qabiilka, taas oo ay A.Tuur ku rideen.Dagaalkii sokeeye na ku rideen.

 

Cigal waa tii la ogaa waxa ay ku sameeyeen. Isagu inta uu hubsaday, oo ogaaday Hogaankooda ayuu Mid mid u siibay, markuu ka adkaaday ayuu Dalkii nabad noqday 1997.

 

Riyaale waxa ay u ciyaareen Warqaddii Xisbiga Kulmiye. Waa tii Mohamed Kaahin, lahaa Dhenged baanu kaaga soo saari Madaxtooyada.

 

Taas na waynu u soo taagnayn.MADAXWAYNE, Adiga Warqada ay kuu ciyaareen waa macruuf. Waxa la yidhaahdaa ISBAHAYSIGA BEELAHA AYNU GARANAYNO.

 

Xaqiiqdu se ma aha ISBAHAYSI ay Labada Beelood ku Qanacsanyihiin ama maanta jira.Kuwa Isbahaysigaa u hanqal taagayna Habeen ma jirin.Haddii lagu qanacsanyahay Isbahaysigaa, Labada Asakari ma muuqdeen, mana Hor boodeen.

 

Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye, u Hogaanka ahaa, sida Xirsi iyo Mohamed Bihi ayaa muuqan lahaa, taageero Beelaha kale na helilahaa.

 

Waase warqadii Labada Askari ay Kursiga ugu dhowaanayeen.

 

MADAXWAYNE, haddaba maanta waxa aad gashay God khatar ku ah, jiritaanka Somaliland.Kooxdani Dhiig badan bay hore u galeen, iyaga oo ku sii socda dariiqii ay ku gaadhi lahaayeen Kursiga looga taliyo Somaliland.

 

Adigu maanta waxa aad gaadhsiisay in aad Albaabkii Madaxtooyada keento.

 

MADAXWAYNE waxa kale oo ay kugu dumiyeen Dimoqoraadiyaddii Somaliland, iyaga oo kugu qanciyay in aad Kordhisato Muddada aad haynayso kursiga, si ay u helaan fursad ay ku dad urursadaan, adna aad iyaga hadhow taageerto.

 

MADAXWAYNE waxa aad debedda u tuurtay tartankii Xalaasha ahaa ee ay ahayd in Kulmiye lagu dhex tartamo. Saaxiibadaa, Askartaa kaa hor joogay waa kuwaa debedda kaa soo shiidaya.

 

Iminka iyo Dan MADAXWAYNE, Xigmad baa tidhaahda,

 

” MAR I DAG ALLE HA DAGO, MAR LABAAD I DAG SE, ANAA ALA DAG AH.”

 

Kooxdani hore ayay kuu Dagtay, waxa se aad u egtahay in Ilaahay ku Dagay, Xigmadu Doonaba ha ka lahaadee.

MADAXWAYNE, waa hubaal in Shacabkeenu aad u nacay Maamulkaaga Jilicsan, waxa se ay door bideen in ay iska Samraan oo ay iska sugaan Dorashadaa si aad u ogaato Go’aanka Dadkii Dalka kugu Aaminay.

 

MADAXWAYNE waxa noo muuqata in aad ku qanacsantahay, Adoo Awooda Dawladda ku tikri falaya in aad doonayso in aad Somaliland u Gacan geliso Kooxdan Askarta ah, ee jab iyo halaag hore u soo mariyay.

 

Mana aha mid lagaa yeelayo in aad Nidaamkii Doorasho ee aad ku timi in aad wax ka bedesho, adoo isticmaalaya GUDDIGA DORASHOYINKA.

 

MUDANE MADAXWAYNE, aan Runta kuu sheego, waad ogtahay Somaliland meesha ay ka timi iyo meesha ay u socoto. Ha u gelin Jid gooyo Geedigaa.

 

Marna ha isku Deyin in aad Beelo Beelayso Shacabkeena. Qaarna aad kala Dagaalanto in ay Xaqa ay u leeyihiin in ay wax Xukumaan, sidii loo Xukumay.

 

Qaarna in aanad ku taageerto in ay iyaguun Kursigu ku wareego. MADAXWAYNE waxa iga Digniin ah, in aad iska qabato Askartan ku majaro habaabisay, oo aanay marnaba suurta gal ahayn in ay Somaliland ka taliyaan.

Qabo Dorasho Xor iyo Xalaal ah. Waa cadaan in aan taa Kulmiye ku soo baxayn. Ha isku deyin in aad majara habaabiso.

 

Ku qanac in Somaliland ay wanaag hiigsato oo aanay iyadu is reebin. Iska reeb taariikh wanaagsan oo loo aayo.

Ha noqonin mid Intuu Hantidii Dadka, Dubai iyo London Guryo kaga iibsada, Dalkana Somalia oo kale ka dhiga.

Kursiga Ilaahay Qofka uu u garto ayaa ku fadhiisan doona taas ku qanac. Ma ogid ka Dadka u khayr roonaandoona.

Ha is odhan Mid kaa liita ama Roga kaga tag si beri laguu Amaano, sida Somalia maanta ka jirta ee Morgan iyo Gaani loo amaano, marka kuwii ka danbeeyay ka dareen.

MADAXWAYNE, Aan kuugu Gaba gabeeyo luqad aad fahmayso. Somaliland ma aha Dal la Aqoonsanyahay, waxa Sameeyay Beelaha u dhashay min Saylac ilaa Las Qoray.

Beelahaasi maanta waa ku qanacsanyihiin Jiritaanka Somaliland.

Somaliland Beelaha wadada degaa waa in ay iska dhex arkaan Talada Dalka, iyaga oo Nidaamka aynu samaysanay ee Xisbiyada soo maraya.

Mana Haboona Dal aan cago ku taagnayn in Taladiisa la kala boobo.

MADAXWAYNE, Todoba Sanadood Kulmiye ka badan, wixii aad ku sii kordhisaa waa dhiig.

Maanta waa Doorkii WADDANI, Shacabkuna waa u diyaar. Kulmiye waa lagu cabudhay waa loo diyaar in laga hawo bedesho.

 

Ha isku deyin in aad Rabitaanka Shacabka ka hor timaado.

SOMALILAND NA HA KA DHIGIN SOMALIA.

GUUL BAAN U RAJAYNAYAA WADANKAYGA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here