Tog-Wajaale (Hargeisa Press): Waxaa bilaabantay jarista dalagyadii kala duwanaa ee ay xukuumadda Somaliland ka beertay banka Tog-Wajaale oo hadda soo go’ay ama bislaaday.
Waxaana maalmahanba socotay hawlaha lagu kala saarayo midhaha iyo hadhaadiga kale, iyadoo ay ku jireen Cagaf-cagafyo casriya oo jarayay.
Dalagyadda ay sanadkan wasaaradda beeruhu ka beertay banka Wajaale waxaa ka mida Qamadi, Gelley iyo Hadhuudh.
Waxaana Qamadiga sanadkan laga beeray dhul dhererkiisu yahay kun iyo konton Higter, halka Garowga-na lagu beeray 150 Hegter.
Sida uu sheegay maareeyaha mashruuca banka Wajaale, “Bedka dhulka aanu sanadkan Qamadiga ka beernay waxay dhamayd kun iyo konton Higter iyo 150 Higter oo Garowga laga beeray”.
Qamadiga ayaa ah mid beerashadiisu ay ku cusub tahay dhul beereedka Somaliland, maadaama oo inta badan goboladda galbeedka laga beerto Gelleyda iyo Garowga.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Somaliland ayaa shalay soo kormeeray sida ay u socdaan hawlaha jarista dalagyadda ka soo go’ay banka Wajaale.
Agaasimaha ayaa wax lagu farxo tilmaamay in Cagaf-cagafyadda dalagyadda lagu jarayo ay leedahayw asaaradda beeruhu, isagoo xusay in sanadkan dalagyadda soo go’ay uu ka mid yahay Qamadiga oo aan xiliyadii hore la beeran jirin.
Waxaanu yidhi “Waa hadafkii ay mudaba ku taamaysay wasaaradda horumarinta beeruhu in la gaadho. Dadkeenu waxay u badnaayeen in ay beertaan Gelleyda iyo Garowga, laakiin waxaa muuqata in dhulkan looga faa’iidaysan karo beerista Qamadiga.
Kadib markii aanu sanadkii hore tijaabinay dhawr Hegtar, waxaanu ogaanay in Qamadigu kaga wanaagsan yahay Gelleyda iyo Garowga. Iyaga-na ka tegi mayno.
Waa wax lagu farxo in maanta dalagyadii soo go’ay lagu jarayo cagafyo iyo qalab ay wasaaradda beeruhu leedahay”.
Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha, waxa uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in la bedelo nidaamkii hore ee wax loo beeran jiray, isla markaana ay keenayaan Mishiinadda wax lagu beero.
“Waxyaabaha badan ee aanu doonayno in aanu ummada uga faa’iidayno, waxay ka mida in la bedelo nidaamkii hore ee wax loo beeri jiray.
Waxaanu keenay Mishiinadii wax lagu beeri jiray, waxyaabo badan oo laga keeni jiray wadamadda jaarka ayaan imika haysanaa”ayuu yidhi agaasimuhu.
By: Khadar Cabdi Muuse
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.
Waa geesinimo in lagu dhiirado in dalka wax lagu beeri karo midaas haddii ay sii socoto waxaynu ka baxayna ku tiirsanaanta dalalka shisheeye umad aan beeran cuntooyinka daruuriga ah faqri kama baxaan wasaarada beeraha waxaan leeyahay keep going dadkayga reer somalilandna waxan ku dhiiri galinayaa inay wax beertan