Syria: Kumannaan Qof oo billaabay in ay ka Cararaan Colaadaha ka Socda Waddankooda + SAWIRRO

0
1234

DAMASCUS, SYRIA— Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in 15,000 oo qoxooti Suuriyaan ah ay isugu tageen xuduudda waddankiisa uu la wadaago Suuriya, kuwaasoo kasoo qaxaya duqeynta dowladdu waddo dalkaas.

A man reacts amidst rubble after what activists said was an airstrike by forces loyal to Syria's President Bashar al-Assad in Aleppo's rebel-controlled Al-Mashad neighbourhood, Syria September 17, 2015. REUTERS/Abdalrhman Ismail
A man reacts amidst rubble after what activists said was an airstrike by forces loyal to Syria’s President Bashar al-Assad in Aleppo’s rebel-controlled Al-Mashad neighbourhood, Syria September 17, 2015. REUTERS/Abdalrhman Ismail

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoxootiga kasoo cararay Suuriya ayaan weli loo ogolaan inay xuduudda ka gudbaan dalka Turkiga, laakiinse Shaqaalaha Gargaarka ee Turkiga, ayaa waxay u gudbeen dhanka Dalka Suuriya si ay u caawiyaan kumannaankan Qoxootiga ah.

A member of the Syrian Arab Red Crescent carries a girl as they rush away from a site hit by what activists said were airstrikes by forces loyal to Syria's President Bashar al-Assad in the Douma neighborhood of Damascus, Syria August 24, 2015. (REUTERS/Bassam Khabieh)
A member of the Syrian Arab Red Crescent carries a girl as they rush away from a site hit by what activists said were airstrikes by forces loyal to Syria’s President Bashar al-Assad in the Douma neighborhood of Damascus, Syria August 24, 2015. (REUTERS/Bassam Khabieh)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, Dadkan waxay kasoo qaxayaan duqeynta ciidanka Suuriya oo garab ka helaya Diyaaradaha dagaalka dalka Ruushka, kuwaasoo kusii siqaya waqooyiga magaalada Xalab.

Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in la filayo in tirada Qoxootigaan dalkooda kasoo cararaya ay kororto, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay taageeraan cid walba oo ay nabad-galyo darro ku qabsato dalkooda.

Qoxooti_ka_caraya_dalka_Suuriya_660

Ururka NATO ayaa waxay Ruushka ku eedeysay inuu wiiqayo dadaallada nabadeed ee ka socda dalka Suuriya oo ay weli duqeynta kusii wado, kuwaasoo ay ku sheegeen in kooxaha Mucaaradka ah ee dalkaas lala eeganayo.

 

Ugu dambeyn, shir jaraa’id oo magaalada Washington uu ku qabtay, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry wuxuu waddanka Ruushka ku eedeeyay inay sii wadaan duqeymaha ku wajahan shacabka dalka Suuriya.

A boy inspects damage from what activists said was an airstrike by forces loyal to Syria's President Bashar al-Assad in the al-Katerji district in Aleppo September 20, 2015. REUTERS/Abdalrhman Ismail
A boy inspects damage from what activists said was an airstrike by forces loyal to Syria’s President Bashar al-Assad in the al-Katerji district in Aleppo September 20, 2015. REUTERS/Abdalrhman Ismail

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo 30-kii bishii September ee Sannadkii hore 2015-kii duqeymo ka waday Suuriya ayaa weli ku Adkeysanaya inay Duqeymahan sii wadi doonaan, illaa ay ka burburiyaan kooxaha Mucaaradka ah oo ay ISIS ku jirto isla markaana ay Xukuumadda awoodda dalka oo dhan la wareegayso.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here