Haddii Uu Shacabku Diinka Gurguurta Noqon Lahaa Ciidamada Amnigu Waxa Ay U Noqon Lahaayeen Qolofta Adag Ee Cadow Iyo Cimmilo Xun Ba Ka Difaacda !

0
894
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Qof waxa u daran wax uu cunno/cabbo, maryo uu xidho iyo hoy uu seexdo. Laakiin, taasi waa marka uu kali ku yahay deegaanka markaa uu ku nool yahay, ama cidda uu la nool yahay, khayraadka u muuqdaa uu ka badan yahay boqol jeer laab.

 

Taasi ma jirto oo cid meel kaligeed ku noolli ma jirto, khayraad dhulka hogganaya oo innoo muuqdaa na ma jiro, oo dadkeena 98% waa faqri iyo qaadaa-ma-dharge.

 

Haddii se ummad badani hal meel ku wada nooshahay waxa ay doonto ha isku ahaato eh, waa in ay heshiis ku yihiin nabad-galyada iyo is-samato-bixin. Arrinkani ma aha wax la isla gartey oo si dhib yar la isku la qaatey eh waa heshiis shuruudihiisii wata.

 

Shuruudda ugu horeysaa waa in la iska dhex xullo cid gaar ah, oo nabadda ilaalisa (Special Peace Making and Keeping Force). Si nabadda loo ilaaliyo waa in la helaa cid khayraadka na maamusho si waxa la wada leeyahay na si siman loogu wadaaggo.

 

Waxa gaar loo kala leeyahay na in xoog loo kala boobbo meesha looga saarro. Waa na sida is-xukun iyo kala dambeyn aynnu ugu baahannay.

 

Nidaamkaa dawliga ah qaybtiisa aminiga waxa u qaabilsan ciidamada amniga (police). Si ay shaqadooda u gutaan waa in amniga iyaga loo daba fadhiistaa. Sidoo kale na meesha ba looga saarraa wax ka sheeggooda. Kalsoonni buuxda iyo gacan taaggeerro ahna lagu siiyaan hawshooda.

 

Haddii tacaddi iyo caggo-jugleyn dheerri ah laga dareemo. Iyaga ma aha kuwa la la xisaabtamayaa eh waa cidda aad doorateen oo ah kuwa aad khayraadka gacanta u galiseen. U faham in ciidanka amnigu khayraadkaa kuu ilaalinayo, adiga na ku kala ilaalinayo si aannad birta isaga aslin.

 

Hadda waxa aan maqlayaa in warbaahintu ay qoreyso war ku saabsan ciidanka amniga. Ciidanka amnigu ma aha Xisbi siyaasi ah ee waa ilaalo shacab oo waxa ugu qaalisan ee aad leedahay kuugu xilsaaran.

 

Haddii shacabku uu diinka gurguurta noqon lahaa, ciidamada amnigu waxa ay u noqon lahaayeen qolofta adag ee cadow iyo cimilo xun ba ka difaacda.

 

Qoloftaa nolosha gaadhka kuugu ah ayaan “Propaganda” ku furrayaa waa uun innoo nacasnimo. Fadlan aynnu dhamaanteen ka waantowno wax wal oo wax yeello ku ah nafaheena iyo wadajir -keenna.

 

Shaqada ciidanka ka dhex – socota na yaanney innoo la eekaan mid siyaasi ah. Hoy qalinka hoos ha looga dhigo ciidanka. Waa naf hurayaal toodu si ay taadu u badbaado uga hormariya.

 

Daranyo badan iyaga oo qaba, saacado badan na shaqeynaya ayey hadda na raali ku yihiin suggida amnigaaga eh, hoy dhuggasho inta tan ka balaadhan u yeello amnigaaga noloshaada oo dhan baan ku xidhan eh.

 

 

 

Allaa Mahad Leh

Mohamed Hagi Mohamoud.

Department of Politics and International Studies.

The University of Warwick.

Email: mohamedomar1@hotmail.com or M.Hagi-Mohamoud@warwick.ac.uk

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here