Suldaan Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Fadhi-gaab

0
801

Hargaysa(HP): Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Suldaanka Beelaha Maroodi-jeex, Saaxil, Hawd iyo Gabiley, ayaa baaq nabaddeed u diray laba beelood oo dagaal ku dhex maray deegaanka Fadhi-gaab oo ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Suldaanka ayaa ugu baaqay Isimada dhaqanka, Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Gobolka Sanaag in daminta dagaalkaasi laga wada qayb-qaato, isla markaana loo istaago sidii loo baajin lahaa dhiig dambe oo qubta.

Suldaan Maxamed oo goor-dhaweyd Warbaahinta soo gaadhsiiyey beyaan baaq-nabadeed ah, ayaa kula taliyey labada beelood ee dirirtu dhex martay in ay xabbada joojiyaan, isla markaana geedka wada-hadalka ee dhaqanka ku xalistaan wixii utun ah ee ka dhaxaysa,

Suldaanku waxa uu fool-xumo iyo waxaan la aqbali karin ku tilmaamay colaada labada beelood ee soo noqnoqotay iyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay isu geysanayaan, waxaanu tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadka ku dhintay dagaalkaasi.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan runtii uga tiiraanyeysanahay iska-hor-imaadka maanta ka dhacay deegaanka Fadhi-gaab ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Runtii Dagaalkaasi waa arrin aad iyo aad fool-xumo u leh oo ceeb ku ah degmada Ceel-afweyn, gobolka Sanaag iyo guud ahaan qaranka Somaliland oo dhan, waxaan leeyahay waar xabbada hala joojiyo, geedka wada-hadalka hala isugu yimaado.

Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, Gobolada Togdheer, Saraar, Sanaag, Sool iyo dhamaan gobolada bariga ee si’ fudud u gaadhi kara goobta lagu dagaalamay in ay arrinta gacanta ku dhigaan, xabbad joojin ku dhawaaqaan”.

“Madaxda dhaqanka ee gobolka sanaag waxaan baaq gaar ah ugu jeedinayaa in ay si deg deg ah uga howl-galaan sidii colaada loo joojin lahaa.

Waxa kale oo aan aad ugu mahad-celinayaa Ciidamada qalabka sida ee maalin iyo habeen heeganka ugu jira sidii loo joojin lahaa colaadaas oo aan leeyahay alle ha idinka abaal-mariyo” ayuu yidhi suldaan Maxamed.

Suldaanku waxa uu farriin gaar ah u diray Labada beelood ee dirirtu dhex martay “Labada beelood anigoo si gaar ah ula hadlaya waxaan leeyahay xabbada hala joojiyo.

Nimanyahow dhulku idiin kala go’i maayo illaahaybaa halkaa idinku wada beeray, ee in lala yimaado caqli caafimaad qaba oo colaadan aynu xididdada u saarnaa loo baahan yahaye xabbada hala joojiyo oo miiska wada hadallada cid waliba wixii ay sheeganayso hala timaado”.

Xabbada dambe yey dhicin intii inaga dhimatay ayaa fool-xumo inoogu filan, waa dad qaranka Somaliland ka baxay labada dhanba, marka waxaan ugu baaqayaa labada beelood, waxgaradkooda, aqoonyahankooda, dhalinyaradooda, qurba-joogga iyo dhamaan qaybaha bulshada ee labadaas beelood in ay colaadaas joojinteeda ka qayb-qaataan, in buunbuuninta iyo in la sii shido colaadaasi laga waantoobo”ayuu yidhi.

Gebgebadii Suldaan Maxamed Suldaan Axmed, waxa uu tilmaamay in qofka kasta oo colaadaasi hurinteeda ka qayb-qaataa uu ku cadaab mudan doono, kii daminteeda ka qayb-noqdaana uu xasannaad ka helayo.

“Waxaan ku celinayaa waar xabbada hala joojiyo, wadahadal ha la isugu yimaado, anaguna wixii nabaddeyn ah waa ka qayb-qaadanynaa”.

Si kastaba ha ahaatee, beelaha ay dirirtu dhex martay ayaa ka soo jeeda ardaayo hore ugu dagaalamay isla degmada Ceel-afweyn iyo nawaaxigeeda.

Kuwaasoo muddo dheer kaddib colaadooda lagu soo afjaray madal-nabadeed oo lagu soo gunnaanaday Hargeysa.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here