Guddiga Nabadgalyada Gobolka Togdheer oo War Ka Soo Saaray Mudaharaadyadii Ka Dhacay Burco

0
924

Burco (Hargeisa Press) – Guddiga nabadgeliyada gobolka Togdheer, ayaa waxa ay ka hadleen mudaharaadyo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay magaaladaasi.

Guddiga ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay nabad galyada ilaaliyaan isla markaana wixii tabasho ah ee ay qabaan ay soo gaadhsiiyaan dowlada.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay kala qayb-qaataan ilaalinta nabadgalyada gobolka.

“Waxanu ugu baaqayna in dadweynuhu nagala qayb-qaataan, nabad-galyada guud ee gobolka, nagala qayb-qaatan in aan taayiro la gubin, nagala qayb-qatan in aan gaadiid la jajabin” ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.

“Waxanu diyaar u nahay cidkasta oo wax tabanaysa iyada oo dhagaxna latuurin, taayirna la gubin in lanoo yimaado” ayuu badhasaabku hadalkiisa sii raaciyay.

Mayarka magaalada Burco Maxamed Yusuf Muraad ayaa isaguna yidhi “Madaxda qaranka horena waa loo xidhay waana la xidhi doona, lakin muhiimadu waxa weeyi in aynu nabadgalyada dagmada iyo gobolka ilaalino”.

Taliyayaasha ciidamada booliska iyo millateriga ee gobolka ayaa iyaguna iska daba maray in nabadgalyadu muhiimtahay isla markaana dadweynuhu ay ka shaqeeyaan ilaalinteeda.

Mudaharaadadan maalmihi u danbeeyay ka dhacay magaalada Burco ayaa daba socday kadib markii maxkamada millateriga Somaliland ay xukun 2 sano oo xadhiga ku riday kornayl Jamac Maxamuud Adan Dollaal oo katirsan ciidamada millateriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here