Soomaaliya oo Shaacisay Xilliga Ay Dib U Furayso Duulimaadyada

0
1114

Muqdisho (Hargeisa Press) – Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo baxay waxaa ay ku sheegtay in ay qorsheyneyso in dib u furto howlihii duulimaadyada caadiga ahaa ee garoomada diyaaradaha, sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa warka dib u furista baahisay.

Wakaaladdu ma sheegin maalinta rasmi ahaan dib loo furayo, hase yeeshee ogeysiiskii lagu xidhay hawada ayaa dhacaya maalinta 8-da Juun oo ku beegan Isniinta soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyada gudaha Soomaaliya, 28-kii March, taasi oo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here