Wasiirka Deegaanka Oo Sheegtay In Ay Xidhayaan Seeraha Hayaysa Ee Ceel-Afweyn

0
1496

Ceel-Afweyn (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta kormeer ku soo martay Seeraha deegaanka Hayaysa oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Seeraha Hayaysa ayaa ka mid ah Seereyaal dhawr oo taaaariikhi ah oo ku yaalla degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo xiliyadii dawladihii hore laga xidhi jiray xoolaha.

Kuwaasoo ay hadda qaorshaynayso wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland in la xidho, isla markaana Β loo samayn doono shaqaalihii ka hawl geli lahaa iyo qaybihii xanaanaynta.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay maayarka degmadda Ceel-Afweyn C/raxiin Aw Yuusuf, iyo isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee degmadda Ceel-Afweyn C/raxmaan Xuseen Aadan.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka mida xubnaha wasiirrada ah ee hawlaha nabadaynta beelaha u jooga degmadda Ceel-Afweyn ayaa kadib markii ay kormeerka ku soo martay seerahaasi waxay ka hadashay taariikhda weyn ee uu seeraha Hayaysa ku lahaan jiray dalka gaar ahana Ceel-Afweyn.

Waxtarkiisii waayadii hore iyo qorshaha wasaaradeedda ee la xidhiidha sidii loo xidhi lahaa seerahan. Waxaanay tidhi, β€œWaxaan Β maanta soo kormeeray oo aan imi Seeraha Hayaysa, oo Ceel-Afweyn taariikhdeedda soo dhisay.

Seerahani waa Seeraha ay ka soo bilaabmeen Seereyaasha wadanku. Waxaanu ka mid yahay Seereyaashii ugu horeeyay dalkeena. Kuwii iskuuladda lagaga soo bixi jiray ee aad maqli jirteen raggii hore ee wax bartay, Seerahan ayay ka soo qalin jabiyeen.

Geelii ku xeraysnaan jiray Caanihiisii ayay ku soo baxeen. Waxaa maanta Β xasuus weyn weyn oo mudan ii ah, in aan Seerihii dhex joogo, oo qurux badan, oo barwaaqo ah, oo biyihii aqul-aqulayaan, oo roobkii xalay ku da’ay ay biyihiisii qul-qulayaan. Nimco iyo barwaaqo ayaana ka muuqata Seerahan.

 

Geesta kale wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxay sheegtay in ay qorshaynayaan sanadkan in ay sidii ay u xidhi lahayeen seerahan Hayaysa iyo kuwo kaloo deegaankaasi ku yaalla ay u xidhi lahaayeen.

Waxaanay tidhi, β€œWaxaan rejaynaynaa in aanu ka wasaarad ahaan gacan weyn ka gaysano. Haday noqoto shaqaale, haday noqoto in aanu u xidhno qaybtii xanaanaynta (Nursery), ee weynayd. Haday noqoto in aanu u samayno dhul ay wasaaradu leedahay oo la beerro.

Waxay noqonaysaa in dhulkii ay wasaaradu lahayd, inta la xidho ay markaa noqoto qaybtii xanaanaynta (Nursery). Biyaha-na aanu iyaga-na u soo xidhno, oo aanu si wanaagsan uga soo shaqayno.

Nusery-ga inta ka hadhay sanadkan waan u xidhaynaa. Wixii ka danbeeya-na hawl badan baanu is leenahay sidii looga qaban lahaa dooxani, ayaanu is leenahay aad ka shaqaysaan iyo dooxooyin kaloo u dhaw dhaw halkan”.

Dhinaca kale maaayarka degmadda Ceel-Afweyn /raxiin Aw Yuusuf, ayaa ka warbixiyay faa’iidooyinkii uu seeraha Hayaysa lahaan jiray iyo xiligii ugu danbaysay in wax laga qabto.

β€œSeerahan Hayaysa oo ah Seere aad u weyn, waxaa ugu danbaysay wax tarkiisa iyo wax ka qabashadiisa-ba, sanadkii 1988-kii, markii ay bur-burtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Seerahan Hayaysa, oo ku suntan waxtar weyn, waa kii ay ka soo bar-baareen dadkii u horeeyay ee aqoon yahanadda ahaa, ee reer Somaliland, waa halkii ay wax ku soo barteen” ayuu yidhi maayarka Ceel-Afweyn.

Maayarka Ceel-Afweyn ayaa ka codsaday wasiirka deegaanka in si deg deg ah loo xidho seeraha, iyo in la sameeyo qaybtii Nursery-ga si ay uga helaan magaaladda Ceel-Afweyn oo aad ugu baahan dhirayn.

Waxaanu yidhi, β€œMudane wasiir waxaanu codsanaynaa in Seerahan si deg deg ah na loogu xidho, oo mashaariicda ay wasaaradu hayso la noogu bilaabo.

Waxa kaloo aanu aad iyo aad u codsanaynaa in Nursery-gii isaga sanadkan gudihiisaba la noo bilaabo, si aanu u helno mashruuc dhirayn ah, oo degmadda Ceel-Afweyn oo dhirta ka Arradan iyo hareeraheedaba in aanu ka dhirayno”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here