Soomaaliya oo Diiwaangelisay Kiisas Hor Leh oo Cudurka Covid-19 Ah

0
683
Covid-19
Covid-19

Muqdisho (Hargeisa Press) — Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 304 qof oo hor leh oo laga helay cudurka Coronavirus halka iyo 8 qof oo kale ay u dhinteen cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baadhay 1,830 qof.

Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, islamarkaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here