Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Somaliland iyo Madaxa Ururka Interpeace?

0
920
Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Somaliland iyo Madaxa Ururka Interpeace
Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Somaliland iyo Madaxa Ururka Interpeace

Hargeisa (Hargeisa Press) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta shir la yeeshay madaxa Ururka caalamiga ah ee dhismaha nabadda ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (Interpeace) Mr Theo Hollander.

Kulankan oo daarnaa sidii loo horumarin lahaa dhismaha nabada, xalinta khilaafaadka iyo xoojinta garsoor iyo cadaalad waarta ayaa lagu lafa-guray, sidii ururka Interpeace ugala shaqayn lahaa Somaliland arrimahaasi.

Mr Theo Hollander ayaa Somaliland ku bogaadiyay horumarinta togan ee ay ka sameeyeen nabada, xalinta khilaafaadka iyo dedaalada ay ugu jiraan sidii ay xasilooni waarta uga abuuri lahaayeen mandaqada.

Waxaanu balan-qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland.

Dhanka kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa hoosta ka xariiqay in dunidu cashar ka baran karto Somaliland, marka la eego shirarkii dib-u-heshiisiinta kuwaasi oo sal-dhig u noqday helida nabad ay heshiis ku yihiin dhammaan muwaadiniinta dalku, waxa kale oo uu guddoomiyuhu tibaaxay sida gasroorka dalku u fidiyay adeegii garsoorka, kaasi oo suurtaligay in deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyni helaan xuquuqohoodii aas-aasiga ahaa oo laga hirgaliyay maxkamado u adeega.

Halka maxkamadaha guur-guurana sannad walba dar-dar galin hor leh lagu sameeyo, si loo adkeeyo adeega garsoorka bulshaduna uga baaqato socdaal ay usoo gali lahaayeen magaalooyinka waaweyn. Taasi oo dhabaha u xaadhay, sidii muwaadiniintu xaqooda ugu heli lahaayeen sifo nabdoon.

May be an image of 1 person, sitting, standing and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 6 people, people standing and suit

LEAVE A REPLY