Soomaali Ku Soo Baxday Doorashooyinkii Ingiriiska

0
935
Safiya Saeed (Barbaraawi)
Safiya Saeed (Barbaraawi)

London (Hargeisa Press) – Ugu yaraan afar musharrax oo Soomaali ah, ayaa ku soo baxay doorashooyinkii deegaanka ee Khamiistii ka dhacay dalka Britain.

Soomaalida, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey iska sharaxaysay baddiba xisbiyada siyaasada ee ku yaala dalkan Britain gaar ahaan xisbiga Shaqaalaha ee loo yaqaano labourka ahna xisbniga mucaaradka ugu weyn.

Siddoo kale, xisbiyada Konservativeka oo ah kan imika talada haya iyo xisbiyo kale oo ay ka mid yihiin the Green Party ayay Soomaali badan iska soo sharxday.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa guulo badan ka soo hooyay doorashaooyinkan, Safiya Saeed oo loo yaqaanno Safiya Barbaraawi waxay ka tartantay xaafad ku taala magaalada Sheffield ahna degmooyinka ay Muslimiinta iyo Soomaalidu ku badan yihiin, Tiradii ugu badneyd ayay ku guuleysatey, Safiya Saeed.

Waxaana dhinaca kale doorashooyinkan guul darro weyni ka soo gaadhay Xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Xisbiga talada haya ee Conservative Party, ayaa ku guuleysay kuraas ka badan intii ay filayeen.

70% kuraastii lagu tartamay, ayaa xisbiga shaqaalaha lagaga guuleystay, waana guuldaradii ugu weyneyd ee soo wajahda tan iyo intii uu xilka xisbigaasi qabtay Sir Keir Starmer.

Mandaqada Welshka oo keliya, ayuu xisbiga shaqaaluhu guulo ka gaadhay, halka Scotland la filayo in uu xisbiga SNP uu helo aqlabiyada kuraasta baarlamanka gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here