Maamulka Gobolka Sool Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Hubka Magaaladda Lagu Dhex Qaado

0
344

Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool ayaa soo saaray awaamiir ay ku xadidayaan hubka lagu qaato gudaha magaaladda Laascaanood.
Shir ay maanta xarunta maamulka ku yeesheen guddiga nabadgeliyadda gobolka Sool uu shir-guddoominayay badhasaabka gobolkaasi C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa laga soo saaray sideed qodob.


Qodbadaasi ayaa lagu sheegay in looga dan leeyahay si ammaanka guud ee gobolka loo adkeeyo, loogana hortago fal kasta oo lid ku noqon kara xasilloonida.
Sidaas darteed ayay guddiga nabad gelyada ee gobolku waxay soo saareen qodobada hoos ku xusan:-

1- Qabashada hubka lala dhex-maro gudaha magaalo madaxda Laascaanood.
2- Gaadiidka aan taarikada lahayn
3- Adkaynta nabadda waqtiga kala guurka ah.
4- Qoriga la qabto waxaa la haynayaa muddo 3-bilood ah ama u dhiganta 90-maalmood.
5- Qofkii aan ka tirsanayn ciidammada ee lagu qabto Tuute isagoo xidhan sharciga ayaa la horgaynayaa.
6- Inaan hub lagu dhex qaadan karin magaallada dhexdeeda, qofkii lagu qabto waa danbiil sharcigaana la hor gaynayaa.
7- Baabuurta wareegta saacadaha danbe ee habeenka lana garan waayo shaqaday hayaan waa la qabanaya
8- Baabuurta bacda lagu dhajiyo Persollka muraayadaha waa laga fiiqaya lamana ogollaan doono.


Geesta kale, badhasaabka Sool ayaa bulshadda gobolka fariin u diray.
Waxaanu yidhi, “Waxaan dhammaan bulshada gobolka farayaa inay Garab istaagan laamaha amaanka sugaya una hoggaansamaan awmiirtan ka soo baxay guddiga nabadgelyada, ciddii ka dhaga adaygta kuna dhaqaaqda qodobadaas kor ku xusan waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here