Mashruuca Timir Qaybinta Gobolka Maroodijeex Oo La Soo Gebagabeeyay

0
485

Hargaysa (Hargeisa Press): Waxaa maanta la soo gebagabeeyay barnaamij Timir loogu qaybinayay dadka baahan iyo qoysas dan yar  ah oo muddo laga wadday gobolka Maroodijeex.

Timirtaasi oo ay soo bixisay sanduuqa caawimooyinka ee boqorka dalka Sucuudiga waxaa qaybtiisa waday haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ee Somaliland.

Waxaana Timirtaasi oo dhamayd shan kun oo kartoon laga qaybiyay degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda gobolka Maroodijeex.

Sida uu sheegay agaasimaha mucaawimooyinka xidhiidhka Carrabta ee haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Mustafe C/laahi Xaashi, oo ka warbixinayay mashruucan ay maanta soo gebagabeeyeen.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here