Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday In Abaarta Gobollada Barigu Ka Baaxad Weyn Tahay Sidii La Moodayey, Gurmadka Loo Baahan Yahay & Halista Dadku Waajahayaan

0
993

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqaday in Abaarta ka jirta Gobollada bariga Somaliland ka baaxad-weyn tahay sidii la moodayey, sidaa daraadeed loo baahan yahay in si wada jir ah loo gelo Gurmad Qaran oo lagu badbaadinayo Dadka iyo Xoolaha Abaartu ku dhufatay.

 

Deegaanno ka tirsan Gobollada Sanaag, Sool, Saaxil iyo Togdheer ayaa waxa ka taagan Xaalad Abaareed oo aad u Adag, taasi oo ka dhalatay Biyo iyo Baad la’aan ka dhashay Roobabkii la sugayey oo aan deegaannadaa si fiican uga di’in sannadkii hore iyo Sannadkanba.

 

Muuqaallada laga soo qaaday Dhulka Abaartu ka jirto, ayaa muujinaya Xoolo badan oo u le’aday Harraad iyo Baad la’aan, waxa kale oo Muuqaallada Argagaxa leh ee laga soo duubay deegaannada ka mid ah Neefaf Geel ah oo la waraabinayo Biyaha Dadku Cabbaan ee Moysixada, taasi oo muujinaysa Xaaladda Dadka iyo Xooluhu ku sugan yihiin.

 

Xaaladdaasi Awgeed, ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) uu ku dhawaaqay in loo baahan yahay gurmad deg-deg ah oo lala gaadho Dadka iyo Xoolaha Abaarta Adag hayso.

 

β€œWaxaan Maanta ku dhawaqayaa (Shalay) in Dalku u baahan yahay Gurmad Qaran oo deg-deg ah, dhibaato xoog leh ayaa jirta oo Abaartu sidii la filayey way ka Qaro-weyn tahay.” Ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Shalay ka hadlayey Munaasibad uu kaga qayb-galay Burco, waxaanu intaa ku daray, β€œIyadoo Madaxweynuhu hore ugu dhawaaqay, waxaan mar labaad adkaynayaa oo aan Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo dibadba ugu baaqayaa in deg-deg loogu baahan yahay Gurmad Qaran.”

 

Md. Saylici wuxuu sheegay in Dawladdu waddo dedaallo ay ugu gurmanayso Dadka Abaartu ku dhufatay ee Gobollada bariga Dalka, β€œHawsha Abaarta waanu ku jirnay, horena wax baa loo soo diray (Gurmad ah), tu kalena way soo socotaa, oo Afarta Gobol ee abaarta ugu soo diran ee kala ah Saaxil, Sanaag, Sool iyo Togdheer, inta hadhsan (Gurmadka) waa la soo gaadhsiinayaa Caawa (Xalay) illaa Berri (Maanta).”ayuu yidhi.

Sannadkii hore ayay ahayd markii Abaartan oo kale ku dhufatay Gobollada Galbeedka Somaliland.

 

Abaarta Sannadkii hore ku dhufatay Gobollada AWDAL, SELEL, Gabiley iyo Hawd, ayaa gaadhay in Xoolo iyo Dadba u dhintaan Gaajo iyo Harraad, waxaana wakhtigaa Gurmadka Abaaraha ka qayb-qaatay Qaybaha Bulshada Somaliland, ilaa markii dambe uu Alle (SW) uu Raxmaadkiisa u shubay Addoomihiisa dhibaatadu ka soo gaadhay Abaarta.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa wakhtigaa sheegtay in Abaartu sababtay in 90% Beerihii Ba’aan, maaddaama oo Roobabkii Gu’gu soo raageen, laakiin wax Qorshe ah oo Xukuumaddu samaysay ma jiraan ilaa hadda.

 

Abaarta ku dhufatay Gobollada Bariga Somaliland, ayaa ku soo beegmaysa Xilli aanay Xukuumadda Somaliland samaynin Qorshe lagaga gaashaaman karo, maaddaama oo Abaartii Sannadkii hore ay Shacabka Gobollada Galbeedku ku waayeen Xoolo ka badan 13 Kun oo Neef oo Geel, Lo’ iyo Adhi iskugu jira.

 

HIMILO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here