Somaliland oo Sii Daysay Fanaaniin U Xidhnaa Inay Xamar Tageen

0
2007

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa siidaayey laba Hablood oo fanaaniin ah oo muddo laba bilood ka badan ku xidhnaa Magaalada Hargeysa.

Labada Hablood ee fannaaniinta ah oo kala ah Xamda Qaali iyo Barwaaqo-qalanjo ayaa ciidammada Booliska ee Somaliland xabsiga u taxaabeen, ka dib markii ay ka soo laabteen Magaalada Muqdisho oo ay ku tageen Safar Faneed.

Labada Fannaan oo Maanta markii la soo daayey la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay u Mahad-celinayaan Madaxweynaha Somaliland, Ciidammada Booliska oo si wanaagsan ula dhaqmag iyo Cid kasta oo arrinkooda ka shaqaysay.

Labada Fannaan ayaa siidayntoodu timid Maalin ka dib, markii la shaaciyey heshiis ay Somaliland iyo Soonaaliya ku wada gaadheen dalka Jabuuti, kaasi oo qodobbadiisa ay ka mid yihiin in la ogolaaadi isku socodka shacabka, fanaaniinta  Ciyaaraha iyo Ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here