Somaliland oo Shaacisay Dad U Dhintay Xanuunka Coronavirus

0
1745

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Horumrinta Caafimadka Somaliland ayaa maanta shaacisey Kiisas cusub oo Cudurka Covid_19 ah.

Wasaaradda waxay sheegtay in Dad baadhitaan lagu sameeyay 48-kii Saacadood ee u dambeeyay Xanuunka laga helay 29 ka mid ah halka laba Qofna u Geeriyoodeen Xanuunka.

29-ka Qof ee laga helay Xanuunka ayaa tirada guud ee Dadka uu gudaha Somaliland ku haleelay Xanuunku ka dhigaysa 413 Qof, halka labada Qof ee Geeriyoodayna tirada Dadka Xanuunkan ugu dhintay Gudaha Somaliland ka dhigaysa 24 Qof.

Baadhitaanka 48kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 150

Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 28 waa Somalilander, halka 1 qof udhashay Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 10 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62)

Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65jir halka qof kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay dalkeen Afar iyo Labatan(24).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here