Buuq Hadheeyay Kal-fadhiga 7aad Ee Baarlamanka Soomaaliya Markii Farmaajo Khudbad Bilaabay

0
1379

Muqdisho (Hargeisa Press) โ€“ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7-aad eeย  Baarlamanka ayaa waxa uu si weyn uga hadlay arrimaha doorashooyinka ee la filayo in dhammaadka sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda ay ka dhacaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qeexay in dowladda uu hoggaamiyo ay dooneyso in ay qabato doorasho wakhtigii loo asteeyay ku dhacdo, islamarkaana ka bedalan kuwii hore waddanka looga qabtay, waxa uuna qiray in dadku ay soo dooran doonaan cidda ku mataleysa hoggaanka dalka.

โ€œWay muuqaataa in doorashada aan qaban donna ay wax badan ka duwan tahay doorashooyinkii hore dalka looga qaban jirayโ€ ayuu madaxweyne Farmaajo u sheegay Baarlamanka.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa aaminsan in sida hadda dowladdu ay wax u waddo aan lagu gaadhi Karin in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, walow Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ay weli ku dhiirranyihiin in Soomaaliya doorashoย  shacabka ay codeeyan laga hirgelin karo.

โ€œSanadkii 2018-kii shirkii madaxda dowladda Federaalka ah iyo kuwa maamul Goboleedyadu ay ku yeesheen Baydhabo ayaa lagu goโ€™aamiyay in dalka laga qabto doorashoย  hufan oo ka duwan sooyaalkii doorashooyinkii horeโ€ ayuu mar kale madaxweyne Farmaajo sheegay.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo khudbadiisii maanta uu wax badan kusoo qaaday, haddana waa tii ugu dembeysay uu Kalfadhi furmayo uu Baarlamanka ujeediyo inta hadda lagu guda jiro muddo xileedkiisa dhammaadka ku dhow. Hase-ahaatee waxa uu maanta la kulmay buuq ka dhashay gudaha Aqalka xildhibaannada, maadaama xubnaha mudanayaasha qaar ay madaxweyne Farmaajo ayna la dhacsaneyn hannaanka geeddi socodka dowladdiisa.

Si kastaba-ha-ahaatee, waxaa si weyn loo eegayay khudbada Madaxweynaha gaar ahaan arrimaha doorashada, taas oo uu mar kale sheegay in la qaban doono doorasho ku qotonta qof iyo cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here