Somaliland oo Lacag Doon Ku Tilmaamtay Jabhada Buuhoodle Lagaga Dhawaaqay

0
905

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Hawlaha guud, dhulka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi), ayaa markii ugu horeysay ka hadley Jabhad la magacbaxday SSC oo maalinimadii shalay lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle.

Wasiir Cabdirashiid Qambi oo maanta warbaahinta kula hadley Xafiiskiisa ayaa waxaa uu arin aan la aqbali karin uu ku tilmaamay Jabhadaasi

Sidoo kale, Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in samaynta Jabhadaasi ay tahay qorshe lagu doonayo mashruuc lacageed.

Dhinaca kale, Jabhadan oo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali, ayaa waxa uu sheegay in ujeedka ka dambeeya jabhadani oo loo aas-aasay uu yahay sidii gobolada Sool iyo Sanaag ay u xoreyn lahaayeen.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here