Shir Sanadeedkii Saddexaad Ee Heritage oo Ka Furmay Jabuuti

0
803

Djibouti (Hargeisa Press)- Shir sannadeedkii saddexaad ee machadka daraasaadka siyasaadda Soomaliya ee Heritage ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa sanadkan lagaga hadlayaa kaalinta Soomaalida ee nabadda Geeska Afrika

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 150 ruux oo isugu jira  mas’uuliyiin ka socota Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Dowlad  degaanka Soomaalida Itoobiya, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti  sharaf ka socota dhammaan degaannada Soomaalida.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galaya waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, iyo madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.

Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa-gurayo Madasha aragti wadaagga ayaa ah kaalinta Soomaalida ee nabadda geeska Africa.

 

Hargeisa Press Desk/Jabuuti Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here