Somaliland oo Ku Gacan Saydhay Go’aan Ay Soo Saartay Soomaaliya

0
1618

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku gacan saydhay go’aankii Soomaaliya ay ku dhawaaqday ee ay ku sheegtay inay ku xidhayso qaar ka mid ah baraha bulshada oo dadka Soomaalidu ay aad u isticmaalaan.

Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday inay xidhayso TikTok, Telegram iyo aaladda khamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET, kadib go’aan ka soo baxay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Soomaaliya.

Hase yeeshee, Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in go’aankaasi aanu Somaliland khusayn.

β€œInama khusayso laba dal ayaynu kala nahay, oo midwalba ay dowladnimadiisu gaar u tahay markaa wax ina khuseeya maaha” ayuu yidhi Wasiir Cabdiweli Suufi.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay wasiirku in Somaliland ay samaysay xeer loo isticmaali doono danbiyada ka dhaca baraha bulshada iyo anshaxooda laakiin aanay xidhidu xal ahayn, sida ay sameynayso Soomaaliya, kadib markii ay dhibaatadoodu badatay barahaasi.

Somaliland, ayaa hore ugu dhawaaqday inay xidhyso aaladda khamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET, laakiin waxay diidan tahay xidhida labada bar ee kale, kuwaasi oo ay Soomaaliya sheegtay inay xidhayso, taasi oo la ogeyn xilliga ay dhaqan-gal noqoneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here