Golaha Wakiillada oo Diiday Inay Ansixiyaan Wasiir Cali Xoor-Xoor

0
1410

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta waxaa ay cod aqlabiyad ah ku diideen in ay ansixiyaan Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cali Xoor-xoor.

Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, ayaa waxaa diiday in la ansixiyo 30 Xildhibaan.

Waxaana sidoo kale wasiirka ogolaaday in la ansixiyo 6 Xildhibaan.

Wasiirka, ayaa waxaa kale oo ka aamusay 9 Xildhibaan.

Si kastaba, waa Wasiirkii koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland ay indhawayd diidaan in ay ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here