Somaliland oo Ka Hadashay Muranka Hawada

0
2092

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay muranka Hawada ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay dhowrto “jaarnimada kala dhaxaysa”, maadama ay yihiin Laba dowladood oo jaar ah, sida uu sheegay Mareeyaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland.

Cabdi Maxamed Rodol, Mareeyaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in go’aamadoodii dhanka Duulimaadyada ay sidoodii u hirgaleen.

Rodol ayaa xusay in Somaliland ay u madax-banaan tahay xuduudaheeda, isagoona hoosta ka xariiqay in maamulka Hawadooda ay mas’uuliyadeeda ay leedahay Xukuumada Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay inay ka faa’iideysaneyso wax caalamiya oo ka dhaxeeya dunida, inkasta oo aanu si cad u carabaabin, balse uu xusay in dawlada Soomaaliya ay isku dayayso inay khal-khal galiso arrinkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here