Somaliland oo Hubka Culus iyo Kuwa Fudud U Adeegsatay Ayax Ku Habsaday Gobolka Sool

0
901

Laascaanood (Hargeisa Press)– Dawladda Somailand ayaa bilawday nidaam cusub oo lagula dagaalamayo Ayax raxan raxan u socda oo ku habsaday dhul beereed baaxad weyn oo ku yaala gobolka Sool.

Nidaamkan cusub ayaa wuxuu yahay, iyada oo loo adeegsanayo hubka darandooriga u dhaca iyo rasaasta fudud, si loogu kala eryo Eyaxa oo dhibaato ba’an ku haya dadka beeralayda ah.

Muuqaallo warbaahinta lasoo galiyay ayaa la arkayay, ciidamada oo rasaasta hawada u ganaya, taasoo muhiimada laga leeyahay ay tahay in lagu kala ceydhiyo Cayayaankan oo la aaminsan yahay in saacaddo kooban gudaheed uu waxyeelo xoogan ku geysan karo.

Howlgalka lagula dagaalamayo Ayaxa ayaa waxaa fulinaya ciidamo ka tirsan Somaliland, kuwaas oo sidoo kale adeegsanayay dhawaqa Hoonka Gaadiidka dagaalka, si ay u kiciyaan Ayaxa.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa musiibo qaran ku tilmaamay dhibaatada Ayaxa, iyagoo sheegay in talaabadan kaliya aan wax looga qaadi karin, loona baahan yahay in awood dheeraad ah la helo.

Cayayaanka Ayaxa oo waayahan dambe ku meeraysanayay qeybo ka tirsan gobolada Somaliland, ayaa maamihii ugu dambeeyay lagu arkayay gobolka Sool.

Hore wuxuu cagta u soo mariyay qeybo ka tirsan dalka Ethiopia, waxaana la sheegay inuu markiisii hore ka yimid dalka Yemen.

 

Hargeisa Press Desk/ Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here