Somaliland oo Caalamka Ku Wargelisay Inay Duullaan Ku Soo Qaadayso Soomaaliya

0
3451

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay inay Ciidammo ka tirsan Soomaaliya iyo kuwo Maamul Goboleedka Puntland ka socdaa ay qorshaynayaan inay weerar ku soo qaadaan Somaliland.

Xukuumadda, ayaa sheegtay in Ciidamadaas Soomaaliya iyo Puntland ay ku jiraan is urursi, si ay duullaan ugu soo qaadaan Ciidammada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool ku sugan.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa Bartiisa Twitter-ka uu ku leeyahay ku baahiyay qoraal uu Beesha Caalamka ku ogeysiinayo Ciidammo uu sheegay inay isku urursanayaan deegaannada xadka.

Waxaana uu Wasiirku isla markaana tilmaamay inay Ciidamadaasi ay qorshaynayaan duullaan Somaliland ka dhan ah.

“Dowladda Somaliland waxa ay doonaysaa in ay caalamka ku wargeliso in Qarankeedu uu wakhtigan wajahayo weerarro kaga socdo Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya. Ciidammada Soomaaliya & kuwa Puntland ee Soomaaliya, ayaa isku uruursaday xuduudka si ay duullaan u soo qaadaan. Nasiib-darro, ma hayno doorasho kale oo aan ahayn inaan difaacno dalkayaga.” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here