Madaxweyne Biixi oo Xaaladda Laascaanood Kala Shiray Madaxda Ururrada Siyaasadda

0
2186

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa caawan kulan la yeeshay hoggaanka sare ee ururrada siyaasadda.

Kulanka Madaxweynaha iyo Madaxda Ururrada Siyaasadda, ayaa waxaa lagaga arrinsaday xaaladda guud ee magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeed lagu faafaahiyey arrimaha kulanka lagaga hadlay oo madaxtooyada Somaliland ka soo baxay, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa shir Gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Tobanka Urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka Xisbiyada Qaranka Somaliland oo lagaga Arrinsanayey xaaladda Laascaanood.

Ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu warbixin guud ka siiyey hoggaamiyeyaasha ururada siyaasadda Xaaladda guud ee Dagaalka Laascaanood ka socda, waxaanu madaxweynuhu u sheegay gudoomiyeyaasha iyo madaxdii kale ee ururada siyaasadda ee fadhiyey shirka inay tallo iyo tusaale wixii ay hayaan ee wax ka taraya daminta dagaalka laascaanood ay u furan tahay inay Qaranka ku taageeraan.

Qodobbada Shirka ka soo baxaya ayaa loo balamay maalin-nimada bari iyadoo loo saaray  guddi kooban oo soo ururisa nuxurka kulanka.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here