Xukuumadda iyo Madaxda Urur-Siyaasadeedyada oo Qodobo Ka Soo Saaray Xaaladda Laascaanood

0
1754

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Ururrada Siyaasadda dalka, ayaa waxaa ay maanta oo Axad ah wada yeesheen kulankoodii labaad.

Shirkan oo ka qabsoomay xarrunta Madaxtooyada, ayaa waxaa laga soo saaray Go’aamadii ay u balameen shirkii kan ka horeeyey.

Kulanka Madaxweynaha iyo Madaxda Ururrada Siyaasadda oo xalay uu wejigiisii koowaad dhacay, ayaa waxaa lagaga arrinsaday xaaladda guud ee magaalada Laascaanood iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Waxaana shirkaasi laga soo saaray 7 qodob, oo u dhignaa sidan:-

1) In arrimaha Qaranka Ururada iyo Xukuumaddu meel uga soo wada jeedsadaan, waxkasta oo Qaranka ku yimaadna si midaysan looga hortago.

2) In xaaladda Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wada-hadal, si xal waara loo gaadho.

3) In madaxda Ururaddu ay taageereen xabad joojinta xukuumaddu ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen dhanka kale in ay fuliyaan, sidoo kale waxay hoggaamiyeyaasha Ururadda iyo xukuumaddu isla garteen in la sii wado dadaalka nabada ee Laascaanood.

4) In Ururadda siyaasadu gacan buuxda ka geystaan xal u helidda Colaadda Laascaanood.

5) In Qaran ahaan Taakulo iyo Gurmad deg-deg ah loo fidiyo bulshadda ka barakacday Magaaladda Laascaanood.

6) In ururadda siyaasaddu leeyihiin xuquuq siyaasadeed oo la mid ah ta xisbiyaddi hore, islamarkaaa ay qayb ka yihiin taladda iyo wada-hadalkasta oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

7) Ugu danbayn, waxa si wadajira la iskula gartey in Ururaddu ay iska soo saaraan hal-hal xubin oo qayb ka noqda taladda iyo wada-hadalada doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here