Somaliland: Nuxurka Qodobo Guurtidu Ku Xallisay Khilaafka Wakiilada + Akhriso

0
731

Hargeysa, (HargeisaPress) — Fadhi ay wada jir u yeeshaan Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland Guurtida iyo Wakiilada, ayaa lagaga dhawaaqay xalka murankii siyaasadeed ee ka dhexeeyay Golaha wakiilada. fadhigan oo ka qabsoomay aqalka guurtida ayaa Guddida dhexdhexaadintu ku soo bandhigtay todoba qodob oo ay xal u arkeen, kuwaasi oo labada dhinac ee wakiiladuna aqbaleen.

Qodobada Guurtidu soo saartay waxaa ugu  muhiimsanaa In la laalay Mooshinkii Xilka lagaga qaadayay Gudoomiye Cirro,Mooshin dambena laga keenayn inta Dastuurku u Ogol yahay Musharax Madaxweyne inaanu xilkale hayn karin.

In Xeerka Diwaangalinta Madaniga iyo Codbixiyeyaasha Guurtidu saxdo si loo dhawro wakhtiga.

In Xukumaddu dhawro Xasaanada Xildhibaanada, XIldhibaanaduna iska ilaaliyaan faldambiyeedyada.

In Dhamaan Asxaabtu joojiso wax u muuqan kara Olole Siyaasadeed inta laga gaadhayo Ololaha Doorashada.

SIdoo kale Guurtidu waxay sheegtay inay caddaatay in Gudoomiye Cirro laaxin galiyay, waxna ka bedelay xeerkii Goluhu ansixiyay ee Diwaangalinta Codbixinta iyo muwaadinka.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa gabagabadii kulanka ka sheegay inuu aqbalay Go’aanka Guurtida, isagoo sheegay in danta guud kala weyntahay dantiisa gaarka ah iyo kursiga uu fadhiyo. sidoo kalena gudoomiye xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inuu isna aqbalay go’aanka inkasta oo Guurtidu aanay sharciga marin. fadhiga ayaa ku dhamaaday si niyad samaan ah, iyadoo aanay jirin cid ku gacan saydhay go’aanka guurtida.

Go’aamada Guurtida oo Dhamaystiran

heshes 2hes3

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here