Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Shir Guddoonada Labada Aqal Ee Guurtida iyo Wakiilada, Heshiiskii Maanta Ka Dib + DAAWO SAWIRRADA

0
865
Hargeysa, (HargeisaPress) — Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa markii ay dhinacyadu aqbaleen qodobadii lagu soo af jaray Khilaafkii adkaa ee Golaha Wakiilada ay waxa ay isula tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
siila mdax
In kasta oo aan war faahfaahsan laga soo saarin booqashada ay ugu tageen Madaxweynaha hadana waxa loo badinayaa in ay wax kala socodsiinayeen in la soo afjaray Khilaafkii Golaha Wakiilada iyo waliba in ay is gacan qaadaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo intii uu socday Khilaafka Golaha Wakiiladu warbaahinta hadalo adag isu mariyay.
siil mada
Golaha Guurtida Somaliland ayaa intii ay xukuumadda Kulmiye Taladda Wadanka Haysay markii labaad dhexdhexaadin ku xaliya khilaaf adag oo soo kala dhex galay Golaha Wakiilada Somaliland.
heshiis siil
 hesh gur

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here