Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta Sabtida ku dhawaaqaya Natiijada dhex-dhexaadinta Khilaafka Wakiillada

0
720

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddiga dhex-dhexaadinta Khilaafka Mucaaradka iyo Muxaafidka Golaha Wakiillada Somaliland ee ay kala hoggaamiyaan Guddoomiyaha Golahaas oo Mucaaradka ah iyo labadiisa Guddoomiye Ku-xigeen oo Muxaafidka hoggaamiya, ayaa Sabtida maanta si rasmi ah u shaacin doona natiijada go’aammada ay ka gaadheen dhex-dhexaadinta ay ku jireen tan iyo Sabtidii toddobaadkii hore.

Guddiga dhex-dhexaadinta khilaafka Wakiillada ee Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa caawa Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee labada dhinac u kala fadhiya ku war-geliyey inay tobanka subaxnimo ee Sabtida maanta yimaaddaan ama ka soo qaybgalaan Fadhiga Golaha Guurtida oo ay Guddigu ku shaacin doonto go’aammada ay ka soo saarayaan natiijada dhex-dhexaadinta ay ku jireen.

Labada dhinac ee Golaha Wakiilladu u fadhiyo ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo labadiisa Ku-xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo dhinaca Muxaafidka ah, ayaa ka qaybgeli doona fadhiga maanta ee Guurtidu ugu baaqday inay ku shaacin doonaan go’aammada ay ku dhex-dhexaadinayaan labada Garab ee Mucaaradka iyo Muxaafidka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here