Buug Taariikhda Sheekh Isaxaaq Ku Duuggan tahay Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay + SAWIRRO

0
1370

Hargeysa, (HargeisaPress) — Buug lagu xardhay Taariikhda Sheekh Isaxaaq, ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Hargeysa.Buuggan waxaa qoray Cabdirisaaq Caqli Axmed, waxaana Daahfurkiisa goobjoog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, madax-dhaqmeed, culimaa’udiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Suxufiga caanka ah ee Maxamuud Cabdi Ducaale oo ugu horreyn halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa ka warramay taariikhda qoraaga oo uu tilmaamay inuu yahay shaqsiyad aragti dheer leh, isla markaana qayb libaax leh ka soo qaatay halgankii qallinka ee lagula dagaallamayey nidaamkii Keligii Taliyihi Siyaad Barre.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada dalka, ayaa soo dhaweeyey buuggan oo uu xusay inuu yahay mid ka turjumaya asalkii Sheekh Isaxaaq iyo bulshada ka soo jeeda tafiirtii uu ka tagay. Waxaannu u soo eediyey xukuumadda inay ku darto manhajka waxbarshada si ay uga faa’iidaystaan jiilka soo korayaa.

Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaale oo ka mid mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isna sheegay in buuggan uu qoray Cabdirasaaq Caqli uu yahay mid uu ka muuqato dadaal faro badani, isgoo xusay in ilaha uu xogta ka helay yihiin kuwii ugu qaalisanaa.

Sheekh Maxamuud Raage oo ka mid ah culimada Gobolka Gabiley, ayaa sharraxay mcaluumaadka ku duuggan buugga taariikhda Sheekh Isaxaaq, waxaannu isbarbardhig ku sameeyey buugaag kale oo uu sheegay inuu ku arkay waddamada qaarkood, kuwaas oo badankooda lagu qoray luuqadda Afka Carabiga.

Ugu dambayntii, qoraaga buugga Cabdirasaaq Caqli oo xafladda ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu la soo maray buuggan uu ka qoray taariikhda Sheekh Isaxaaq, isagoo sheegay inay muddo dheer ku qaadatay ururinta macluumaadka ku duuggan ee taariikhda Sheekha.

Dhinaca kale, dadweynihii ka qaybgalay xafladda ayaa si wayn ugu iibsaday buuggan cusub ku saabsan taariikhda Sheekh Isaxaaq madashii lagu soo bandhigay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here