Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Guddoon Siiyay 790 Arday Oo Ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Golis + SAWIRRO

0
1201

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shahaadooyin guddoon siiyey dufcaddii lixaad ee ka qalin jebisay jaamacadda Gollis qaybteeda magaalada Hargeysa,ardaydaas oo tiradoodu dhamayd 790 arday kana koobnaa 10 kuuliyadood oo ka mid ah 13 ka kuuliyadood ee ay ka kooban tahay jaamacadda Gollis.

golis6

Munaasibadii loo sameeyay qalin jabinta ardaydaasi oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kala soo qayb galay ardaydaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada,waxa kale oo munaasibadaasi kasoo qayb galay xubno ka socday Golaha Guurtida oo uu horkacaayey odayga ugu da’da weyn ee Xaaji Cabdi Kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe),abwaano,ganacsato,xubno ka socday shirkaddaha Isgaadhsiinta ,World Bank,Somaliland Business Fund ,waalid iyo marti sharaf kale oo badan.

golis5

Dufcadan 10-naad ee ka qalin jebisay jaamacadda Gollis ee magaalada Hargeysa ayaa ku kala takhasusay kuuliyaddaha kala duwan ee Telecommunication Engineering,Civil Engineering,MS-Eco,Public Health,Computer Engineering,Education,Veternery,Islamic Sharia,Agriculture iyo takhasusaad kala duwan.

Ardaydan kala duwan ee ka qalin jebisay kuliyaddahan jaamacadda Gollis qaybteeda magaalada Hargeysa ayaa ku lebisnaa dhar kala duwan oo mid waliba u gaar ahaa kuuliyaddaha kala duwan ee ay ardaydu ka qalin jabiyeen,iyada oo wejiyadooda laga dheehanaayey farxad aad u weyn,waxaana xafladaasi iyada kala qayb galay waalid kii mudada ay waxbarashada wateen hiilka iyo hooba lasoo garab istaagay.

golis 7

Madaxweynaha jaamacaddaha Gollis Dr Siciid Axmed Xasan ayaa ardayda qalin jabisay uga hambalyeeyey ,isaga oo ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay jaamacaddaasi soo martay ,sidoo kalena ka warbixiyey waxyaalaha lagu soo kordhiyey jaamacaddaasi oo ay kamid yihiin laabab cusub oo qiimahoodu qaali yihiin laguna soo kordhiyey jaamacaddaasi,kuwaas oo ay ka caawiyeen shirkadda Nation link , Somaliland Business Fund iyo World Bank.

Madaxweynaha jaamacaddaha Gollis waxa uu xusay inay kusoo kordhiyeen kuliyadaha jaamacadda Gollis kuuliyadda Saxaafada oo ay gacan weyn ka geysanaysaa shahaadoodana ay saxeexayso jaamacadd Inidiana University oo ay wada saxeexi doonaan labada jaamacaddood ,isaga oo halkaasi guddoomiyuhu ku dhaariyey ardaydii baratay aqoonta caafimaadka ee halkaasi ka qalin jabisay.

golis 8
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaas ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardayda jaamacadda ka qalin-jabisay ,macalimiinta iyo waalidkii kusoo tabcayba,waxaanu sheegay inay ummad ahaan ,shacab ahaanba ku faanayaan marwalba wax qabashada iyo heerka ay jaamacaddaha dalku gaadhayaan iyo magaca ay dalka iyo dadkaba usoo hooyaaan,isaga oo madaxweynuhu sheegay inay yihiin kuwii mustaqbalka dalka iyo dadba madaxda ka noqon lahaa,waxaanu u rajeeyey inay noqdaan kuwii dalka iyo dadkaba anfaca iyo inay noqdaan kuwo tusaale noqda oo lagu daydo .

Waxa Isaguna madashaasi waxa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Gollis Professor Caydaruus Maxamed Abiib oo warbixin ka bixiyey kuliyaddaha kala gedisan ee halkaasi ka qalin jebiyey ,isaga oo sheegay inay jaamacadda Gollis tahay mid doonaysa inay kor u qaado tayada waxbarasho oo ah mid ka mid ah qorsheyaashooda dhow.

golis9

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay maareeyaha shirkadda Nationlink Cabdiraxmaan Isaaq Cali oo ka warbixiyey sida ay shirkadda isgaadhsiinta ee Nation u dhinac taagan tahay jaamacaddaha dalka ,iyaga oo dhowaan maal geliyey laab weyn oo ka isgaadhsiinta ah laguna soo kordhiyey jaamacadda Gollis qaybteeda kuliyadda Isgaadhsiinta.

Isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dalka gudihiisa laga helo khubarro cilmigan leh ,halkii dibadda laga dooni lahaa,waxaanu balan qaaday inay qaadan doonaan shirkad ahaan ardayga ugu sareeya kuliyadda Isgaadhsiinta jaamacadda Gollis.

Waxa isna halkaasi ka hadlay maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid (Soltelco) oo ardaydaasi qalin jebisay iyo waalidiintii la soo dedaasheyba u hambalyeeyey,waxaanu balan qaaday inuu ardayda ka qalin jebisay kuuliyadda Caafimaadka guud ee Public Health-ka ay dawladda Hoose oo baahi weyn u qabtaa qaadan doonto.

golis 11

Waxa isna halkaasi gabay dhinacyo badan taabanaayey ka jeediyey xildhibaan Dheeg ,isaga oo tilmaamay inuu dalku horumar ku socdo loona baahan yahay in la garab istaago dawlada laguna taageero waxqabad keeda ay wado,waxaanu rajeeyey horumar balaadhan oo uu sheegay in la gaadhi doono haddii gacmaha lays qabsado.
Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa ardayda kula taliyey inay sii kordhiyaan waxbarashada ,sidoo kalena ay samraan intay shaqo helayaan isna garab taagaan dawlada uu hogaaminaayo madaxweyne Siilanyo ,isaga oo dhalinyarradda u soo jeediyey inay Muuneeyaan lana shaqeeyaan dawladda Somaliland.

Waxa uu xaaji Cabdi u soo jeediyey mucaaridka inay meelaha ay baalahda ka arkaan tilmaamaan una sheegaan dawlada laakiin aanay noqon mucaaradadoodu mid wax duminaysa,sidoo kalena waxa uu saxaafada u soo jeediyey inay ka fiirsadaan waxyaalaha ay qorayaan,isaga oo sheegay inay cadawgeenu innagu wiirsanayaan waxyaalaha la qoraayo ee dal daloolooyinka ah,sidoo kalena aan loo adeegsan waxyeelo saxaafada.

golis12
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa isaguna halkaasi uga hambalyeeyey ardayda ka qalin jebisay jaamacadda Gollis,isaga oo sidoo kalena bulshadda Somaliland uga mahad celiyey isku duubnaanta ay amaanka dalka ugu soo jeedaan oo uu sheegay inay tahay waxyaalaha keenay inay suurtogal noqoto munaasibadan ay ardaydaasi ku qalin jebisay.
“Waxa mahad leh bulshadda reer Somaliland ,haddii ay tahay qarankooda iyo shacabkiisaba,isku duubnaanta midnimada ,nabadgelyada ay habeen iyo maalinba u soo jeedaan,isku kalsoonida,kala dambaynta wadankeena ka muuqata ayaa quruxdii ay keentay maanta taa aynu hor fadhino ,shalay ina hor fadhiday ,berina aynu horfadhiyi doono ayay noqotay natiijadeedii,waxaa hubaal ah inuu qarankani dhaqaaqay,waana layna majeeranayaa halkaynu gaadhnay, ”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiirka Daakhiligu waxa uu ku dooday inay Somaliland joogto marxalad wanaagsan marka loo eego mandaqadda dhacdooyinka ka taagan, waxaanu yidhi “Hareereheena waxaad arkaysaa oo idiin muuqda maalin walbana aad dhegaysataan ,dumar barooranaaya ,qof la kala sido,madax gooni u taagan oo qoslaya,burbur iyo dhibaato ayaa hareereheenna (dalalka jaarka ah) ka taagan.”

golis 23
Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay ku guulaysatay Somaliland inay samayso jinsiyadda Somaliland oo dhowaan la hirgelin doono qof walibana heli doono,iyada oo la isticmaalaayo qalabka casriga ah ee maanta dunnidu isticmaasho.
Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ardaydaasi u hambalyeysay,waxaanay sheegtay inay maanta markay halkan ardaydaasi ka baxdo ay sugayaan waxyaalo badan oo ay kamid tahay inay dalkan hormuud u noqdaan, kuna abtirsadaan Somaliland, kana iskana jiraan ducfiga qabyaalada.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyey shirkaddo ay jaamacadda Gollis ku maamustay shahaado sharafyo iyo xubno kamid ah Golaha wasiirrada Somaliland iyo abwaano,waxa kale oo halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardaydii ugu saraysay 10 kuuliyadood ee Jaamacadda Gollis iyo ardaygii ugu sareeyey jaamacaddaasi.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here