Somaliland: Kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska

0
298

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Somaliand ayaa maanta kulan la yeeshay hogaanka sare ee taliska booliska.
Waxaana wasiirka kulankaasi ku wehelinayay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliand Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabo-gale), Taliye Kuxigeenka Koobaad, Taliye Kugeenka Labaad, Saraakiisha Sarsare, Hogaamada, Taliye Qaybeedyada iyo Taliyeyaasha Saldhigyada Ciidanka.


Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd dardar gelinta iyo xoojinta Amniga, iyada oo diirada lagu saaray sidii loo sii joojin lahaa guud ahaanba Amniga dalka oo dhan, taasoo ka mid ah waajibaadka saaran Ciidanka Booliska Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL,isaga oo fulinaya waajibkiisa shaqo ayuu kulankan muhiim ka ah la qaatay madaxda ugu saraysa Ciidanka Booliska Somaliland.


Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, ayaa u xilsaaran Amniga Qaranka, waxaana hoos yimaada qaybaha kala duwan ee hay’addaha qaabilsan Amniga Qaranka.
Kulankan ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan iyada oo la isla qaatay in la xoojiyo Amniga guud ahaanba.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here