Hargaysa: Maamulka Dugsiga Sare Ee 26-ka June Oo Abaalmariyay Arday

0
529

Hargaysa (HP): Maamulka dugsiga sare ee 26-ka June ee magaaladda Hargaysa ayaa maanta munaasibad abaalmarin ah u qabtay ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaankii teeramka koowaad ee sannad-dugsiyeedka 2021-2022-ka.
Munaasibadaasi oo lagu qabtay isla dhismaha dugsiga sare ee 26-ka June waxaa ka soo qayb galay maamulka dugsiga, macallimiinta dugsigaasi wax ka dhiga.
Waalidiin, ardayda iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Maroodijeex.
Maamulaha dugsiga sare ee 26-ka June Cali Axmed, oo hadal ka jeediyay xafladaasi lagu abaalmariyay ardayda ayaa ku hanbalyeeyay ardaydaasi kaalmaha hore ka galay imxtixaankii teeramkii koowaad.
Waxaanu ku booriyay maamule Cali, ardaydaasi in ay dedaalkoodda halkaa ka sii wadaan, isla markaana ay imtixaanka danbe keenaan derejooyin intan ka sii sareeya.

DAAWO: Hadalkii Maamulaha Dugsiga Sare Ee 26-ka June:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here