SOMALILAND: Hoggaamin Suubban amma Hagar-daamo & Haraati Qaran.

0
1112
Aqoonyahan Jamal A. Muse
  • In siyaasadu sun iyo waabay ay noqoto oo siyaasigu danayste noqdo, oo horseedku hadhaa noqdo, islamarkaana mahadhadu idlaato oo runtii iyo raganimadii ummadani caanka ku ahayd la waayaa, waa astaamaha gurracan ee geyiga ceegaaga iyo guusha kala gureyaasha guul-diidka ah.
  • In hoggaaminta suubban, hanka sare, halloosiga quman, hiigsiga qofnimo iyo ta ummadeed la fadhiisiyaa, waa goblanka iyo gole madhan ka yuuska ugu wayn ee aadmigu dhaxlo inta uu caro-edeg guudkeeda joogo.
  • Inta liida fikirka caqliga iyo aqoonta ku dhisan, ee hoosta dhigta aragtida tolmoon iyo garashada saliimka ah, kana qaabisa qarannimada iyo quwada qoomiyadnimada, dawladdeynta iyo qarameynta bulshada ayaa ah liiteyaal ka liita, cidkasta oo liidata.
  • Waana lama aamineyaal aan marna laga fili karin is bedel horumarsan, siyaasad suntan, horseed iyo isku hayn ummadeed oo dhista dal iyo dad mideysan, karti iyo cuddud maskaxeed oo hodansiisa malaayiinta muwaadiniinta ah ee u ooman fahan sigib-tiran oo qabiil iyo qabyaalad ka nadiif ah.
  • Ugu danbeyntii, iska hadal, ku jiqsii, hebel diid, heblaayo ka carar, qorshaha iyo nidaamka dawladnimada ka hor imo ma aha is bedel ee waa horumar diid iyo dib u socodnimo dhalanteed ku dhisan. Macnaha erayga mucaarid ma aha wax dumiye ee waa tilmaame iyo toosiye ka shaqeeya hirgalida hadafka qaranka. Waxaana waajib ah in mucaaridku leeyahay qorshe iyo halbeeg siyaasadeed loo riyaaqi karo. Mucaarid ham iyo dig ka dhammaan waayay waa hagardaamo iyo haraati qaranka ku dhacday. Waana mida maanta haysata Jamhuuriyadda Somaliland. Ogow saaxiib sheekadu waxay maanta ku samaataa jug-jug oo halkaaga joog, guushuna waa xaga jammaahiirta barakaysan ee caynaanka qaranka haya iyo hoggaamiyaha hoggaaminta suubban ee MBC.

Jamal A. Muse

dankaabo@hotmail.co.uk/jamalabdiya@gmail.com/hirdandheer@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here