Xaaladda Magaalada Laascaanood Oo Caawa Kacsan Ciidamo Tiro Badan Oo Lasoo Dhoobay Iyo Wararkii U Danbeeyey

0
1363
HargeisaPress Breaking-News..

Laascaanood, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in caawa xaalada guud ee magaalada Laascaanood ay kacsan tahay kadib markii maanta dagaal khasaare sababay uu markale deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Sool ku dhex maray laba beelood oo mudooyinkii u danbeeyey dirir colaadeed dhexdooda taalay.

Waxaana xoguhu noo sheegayaan in gudaha magaalada Laascaanood caawa lagu soo daadiyey ciidamo kala duwan kuwaas oo iskugu jira Boolis iyo Milateri isla markaana sugaya amaanka magaalada Laascaanood,waxaana ay ciidamadu taagan yihiin Isgoyska kaste oo dhex marta magaalada waa sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Laascaanood.

Sidoo kalena ciidamada qaranka Somaliland ayaa naloo sheegay inay ku baxeen isla markaana ay gaadheen deegaankii maanta dagaalki ka dhacay oo ah deegaan u dhaxeeya Saax-dheer iyo Dharkayn-geeyo oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada laascaanood,dagaalkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Waxaana ciidamadan ay gabi ahaanba la wareegeen sida naloo sheegay amaanka deegaanada Koonfurta gobolka Sool oo ah deegaano ay Ood wadaag ku yihiin labadan Beelood ee dirirtu mar kale dhex martay,waxaana ciidamadu ay qabanayaan cid kaste oo ay uga shakiyaan inuu wado xaalad amni darro.

Gabagabadiina waxa mudooyinkii u danbeeyey lagu guda jiray xalinta iyo siidi nabad waarta looga dhex dhalin lahaa labada beelood ee wada dega deegaanada Koonfurta gobolka Sool oo muddo dheer colaad sokeeye soo dhex taalay taas oo marar badan sababtay in dagaal dhex maro labadan Ardaa ee Ood-wadaagta ah.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here