Somaliland: Hay’adda wadaniga ah ee HYDA oo Daah furay Mashruuca Barbaarinta Caruurta.+ SAWIRRO

0
1138
Agaasimaha fulinta ee HYDA Khaalid Xaaji Aadan Cabdi Jiilaani : Photo FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Ururka Wadaniga ah ee HYDA ayaa daah furay Mashruuca Barbaarinta Caruurta Da’yarta ah, Munaasibad si heer sare ah looso Agaasimay oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Hargeysa oo Mashruucan lagu daah furayey Oo ay uu soo agaasimaya Ururka HYDA ayaa waxa kasoo qayb galay Madaxda Ururkaasi, Masuuliyiin Sare sare oo ka kala socday Wasaarada Wax barashashada iyo Hayda PHARO FOUNDATION oo mashruucan maal galinaysa.

HYDA 8

Ugu horeyn Agaasimaha  HYDA faah faahin ka bixiyey mashruucaasi waxaanu yidhi “Mashruucani wuxuu ka koobnaan doonaa in la sameeyo waaxdii ka shaqaynaysay Barbaarinta Caruurta waxaana loo tababari doonaa Macalimiintii, waxa kale oo loo samayn doonaa manhajkii ay ku shaqayn lahaayeen macalimiintaasi waxa kale oo loo dhisi doonaa School-lo 14 Fasal ah, waxaana laga dooran doonaa 7 School oo ku yaala Magaalada Hargeysa. Waxaanu rajaynaynaa inay Schoolada Dawliga ahi noqdaan meel ay kasoo bilaabmaan Barbaarinta Caruurta”.

9b6d9f92-9e7f-4f6a-80c1-a6235b20806f

 

Agaasimaha Oo Hadalkiisa sii wata aya waxa uu sheegay “Waxaan Mashruucan diyaarinaynaa anaga(HYDA) iyo Wasaarada Waxbarashadu mudo Sanad ah oo aanu u gudbinay Hay’ada pharo Foundation oo aanu ka dhaadhicino Muhiimada ay leedahay, waayo anagu Hay’ad ahaan waxaanu eegnaa Mashaariicda Dalk Wax taraya, ee Runtii taabanay min fiqiir ilaa taajir, markaa waa inaynu helnaa Caruurta Yar yar ee Guryaha Jooga ee aan Wax Barashada Heli nee waalid koodna aanu awooda inuu lacag qaaliya ka bixiyo inaanu ku xidhno Schoolada Dawliga ah si ay hadhaw ugu fududaato Waxbarashadoodii Asaasiga ahayd. Waayo qofka soo mara bar baarinta Caruurtu wuxuu ka duwan yahay kii aan soo marin” ayuu yidhi  Khaalid Aadan Cabdi waxaanu u mahad celiyey Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’ada pharo Foundation.

HYDA 10

 

Dhinaca kale Caasha oo ka socotay Hay’ada pharo Foundation ayaa dhinaceeda ka hadashay Mashruucan waxayna tidhi “aadbaan ugu mahad Celinayaa HYDA Oo la timid Fikradan Cusub oo wadan kana baahi ka jirta ahayd, waayo wax walba waxa laga bilaabaa waxa weeyaan Asaasiga, Markaa ilmaha hadii aan Asaasigiiba la siinin waxa meesha maqnaanaya aqoontii ilmaha ee Barbaarinta, arintaasi markaaa waxay u baahan tahay in walidkii lagag dhaadhiciyo.”  Ayey tidhi Caashi.

HYDA 7


Wasiir ku xigeenka Wasaarada Wax abarashad iyo Taclinta Sare Yusuf Garas oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Munaasibadaasi ka soo qayb galaya ka waramay Muhiimada ay leelahay Bar baraarinta Caruurtu waxaanu ku dheeraaday sida loogu baahanyahay barbaarinta Ubadka inta ka horeysa iskuulka ee ay yar yaryihiin.

hyda 6


Wasiiru Dawlaha Wasaarada Wax barashada Axmed Nuur Faahiye ayaa isaguna dhiciisa sheegay “Mashruucan aynu maanta halkan ku haynaa waa wax loo baahnaa, markii hore inagu waynu lahayn Barbaarinta laakiin mid cilmiyaysan muu ahaan jirin, waxaynu samayn jirnay markuu ilmuhu afar jir gadho waxa la gayn jiray Malcaamad oo lagu tababari jiray, looma dhigi jirin quraan uun laakiin wax badan baa la bari jiray. Barbaarinta Caruurta waxa lagu barayaa ilmaha waxaanu lahayn wuxuu leeyahay, wuxuu yahay, wuxuu noqon doono, ilmuhuna marka maskaxdiisa loo sii daayo ee la yidhaa wax samee wuxuu samaynayaa wuxuu doonayo waxaasuunbuuna Mustaqbalka noqon doonaa” ayuu yidhi Axmed.

HDYA 77

HYDA 80

HYDA 3

f499ef17-54be-4ac8-863c-0c2488114d4f

 

 

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here