Somaliland: Guddiga Joogtadda Wakiiladda Oo Su’aalo Waydiiyay Wasiirka Isgaadhsiinta

0
641

Hargaysa (HP): Guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta kulan xog waraysiya la yeeshay wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland C/weli Sheekh C/laahi Suufi Jibriil.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa warbaahinta si wada jira uga warbixiyay xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo ka tirsan guddi hoosaadka joogtadda Wakiiladda iyo wasiirka isgaadhsiinta.

Xildhibaan Tukaale, waxa uu sheegay in ay wasiirka ka waraysteen hawlaha uu qaranka uga masuulka yahay, waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tegay iyo waxyaabaha u qorshaysan.

Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda C/weli Sheekh C/laahi Suufi Jibriil, ayaa isna ka hadlay waxyaabihii ay guddigu wax ka waydiiyeen.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here