Maxay Ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Midawga Yurub?

0
557

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshadda iyo doorashooyinka.

Sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here