Siyaasi Qabo oo Sheegay In Laga Hor-istaagay In Uu U Tartamo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbiga KULMIYE

0
2938

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasi Maxamed Aadan Qabo, oo ka mid ah masu’uuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa waxΒ laga xumaado ku tilmaamay in loo diido in uuΒ  ka mid noqdo siyaasiyiinta hanka leh ee u tartamaya hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Qabo oo doonayay in uu u tartamo guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE isla markaana doonayay in uu shubo lacaga lagu xidhay mushariniinta xisbiga hoggaankiisa sare u tartamaya ayaa saaka lagu diiday lacagtii uu xisbiga u shubi lahaa lahaa siΒ  uu uga mid noqdo Tartameyaasha.

Wasiirkii hore ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee KULMIYE Qabo, oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee xarunta Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in aanay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ka aqbalayn in uu xisbiga cid gaar ah u xidho.

β€œLibaax laba raq lagama wada kiciyo, madaxweyne Biixi hadii aanu xukuumada ku ixtiraanay ragayagii las oo shaqeeyey ka aqbali mayno inuu xisbiga cid gaara loo xidho, xaq ayaan u leeyahay in aan hogaanka Xisbiga u tartamo xeerka Xisbiga meel ay kaga qoran tahay reer hebel ayaa halkaa leh garan mayno waa ayaan daro wayn oo Xisbigii Kulmiye ku habsatay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here