Siyaasi Buubaa: Qaab-dhismeedka Siyaasadeed Ee Xisbiyada Somaliland, Waa Qaab-dhismeedkii Xisbigii hantiwadaaga Ee Xukuumadii Siyaad Bare

0
2519

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa eedaymo culus u jeediyay sadexda Xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani.

Siyaasi Buubaa ayaa waxaa uu sheegay in qaab-dhismeedka siyaasadeed ee sadexda xisbi qaran ee Somaliland uu la mid yahay qaab-dhismeedkii xisbigii hantiwadaaga ahaa ee Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa kale oo uu siyaasigani tilmaamay in dhaqankooda kali-talisnimadu ku dheehantahay uu ka soo maaxo qaabdhismeedkooda siyaasadeed, nabadeed iyo nabareen.

“Qaab-dhismeedka siyaasadeed ee sadexda xisbi ee Somaliland, waa qaab-dhismeedkii Xisbigii hantiwadaaga ahaa ee xukuumadii Madaxweyne Siyaad Barre. Dhaqankooda keli-talisnimadu ku dheehantahay, wuxuu ka soo maaxaa qaab-dhismeedkooda siyaasadeed. Nabadeen = Nabareen !!!”ayuu ku yidhi siyaasi Buubaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa twitterka.

Dhaliisha siyaasigani ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili uu maalintii shalay ahayd uu soo idlaaday shirweynihii 4-aad ee xisbiga Kulmiye oo mudo sadex cisho ah ka socday magaalada Hargeysa.

Siyaasi Buubaa ayaa qoraalkiisani waxaa uu u muuqda rajo xumaanta uu ka qabo sadexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here