Laba Kamid Ah Eedeysanayaashii Loo Haystay Weerarkii Westgate oo Dembi Lagu Helay

0
883

Nairobi (Hargeisa Press) – Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dembi ku heshay laba eedeysanayaal ahaa oo loo haaystay iney xidhiidh la lahaayeen raggii ka dembeeyay weerarkii Westgate malla ee waddankaas ka dhacay sanadkii 2013-dii, kaas oo ay ku dhinteen 67 ruux.

Garsoore Farancis Andayi ayaa ku dhawaaqay in Mohammed Ahmed iyo Hussein Hassan Mustafa iney yihiin dembiilayaal. Ku dhawaaqista xukunkan ayaa laba jeer oo hore dib u dhacay.

Maxkamadda ayaa eedeysanaha seddexaad u wayday wax caddeymo ah  dembiga loo haaystay, halka eedeysane Afaraad oo lagu magacaabo Aadan Dheq isagana hore 2019 maxkamadda ay dembi ugu wayday.

Intii ay socotay maxkamadeynta waxaa garsoorka la horkeenay 145 markhaatiyaal ah oo eedeysanayaasha ku markhaati furayay dembiga.

Xukunka ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 22-ka, October ee sanadkan,  2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here